Wasaarrada Deegaanka JSL Oo Gaadiid Kala Wareegtay Wasaaradda Qorshaynta

0
159

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda JSL ayaa shalay gaadiid iyo qalab kala wareegay wasaaradda Qorshaynta Somaliland.

Sidoo kale waxay isla shalay wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland ku wareejisay wasaarradaha Xanaanadda xoolaha, iyo wasaaradda Beeraha.

Iyadoona xaflad kooban oo loo sameeyay wareejinta gaadiidkaasi, iyo qalabkaasi ay ka qabsoontay xarunta wasaaradda Deegaanka Somaliland ee magaaladda Hargaysa.

Gaadiidkani, iyo qalabkaasi kala duwan ayaa laga soo iibiyay mashruuca Barwaaqo. Waxaana qalabkaasi wasaarradahani ku wareejiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Somaliland Mustafe Cumar Faarax.

Waxaana gaadiidkani wasaarradahani ku wareejiyay agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday mashruuca Barwaaqo uu maal geliyo Baanka Adduunku.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed Cabdilaahi Ducaale, oo Qalabkaasi iyo gaadiidkaasi kala wareegay wasaaradda Qorsheynta Qaranka JSL ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada Qorshaynta gaadiidkaasi ay ku wareejiyeen.

Gaadiidka lagu wareejiyay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda ayaa ka koobnaa saddex Cagaf-cagaf, iyo qalab kale, kuwaasoo uu agaasimaha guud sheegay in ay baahi weyn u qabeen helitaanka gaadiidkani, isla markaana ay wax badan ka tari doonaan Deegaanka, iyo hawlaha shaqo ee ay ka hayaan dalka.

“Waxaanu ka guddoonay wasaaradda Qorshaynta Qaranka saddex Cagaf-cagaf, oo baahi fara badan looga qabay xagga deegaanka. Maadaama ay wasaaradani qaranka u xil saaran tahay ilaalinta deegaanka, gaar ahaana Seereyaasha marka aanu ka shaqaynayno, dhibaatooyin badan oo dhinaca nabaad-guurka ahna ay dalkeena ka jiraan. Arrimo fara badan oo baahi weyn loo qabay ayay Cagafyadani ka tari doonaan” ayuu yidhi agaasimuhu.

Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa tilmaamay in ay wasaarad ahaan Cagaf-cagafyadani si gaar ah ugu addeegsan doonaan hawlaha la dagaalanka Dhuxulaysiga, iyo xaalufinta deegaanka.

Sidoo kale waxa uu agaasimuhu u mahad celiyay masuuliyiinta, iyo shaqaalaha mashruuca Barwaaqo oo gaadiidkani la wareejinayay soo bixiyay.

Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland oo uu agaasimihii guud inagala joogo. Waxa kaloo aan u mahad naqayaa mashruucs Barwaaqo, oo ay masuuliyiini inagala joogaan”.