Taliyaha Booliska oo ka Hadlay Ahmiyadda Nabad-gelyada

0
213

Hargaysa (Dawan): Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-galle), ayaa ka warbixiyay kaalinta ay boolisku kaga jiraan qaranimadda. Waxaanu sheegay in ciidanka boolisku ay hal-bawle u yihiin qaranka.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-galle), waxa kale oo uu ka hadlay waajibaadyadda ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay habeen iyo maalin ba heegan ugu yihiin ilaalinta nabad gelyada dadweynaha reer Somaliland.

Taliye Maxamed Aadan Saqadhi, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay taliska Guud ee Booliska JSL ee caasimadda Hargaysa ayaa sheegay in boolisku yahay ilaaliyaha sharciga, iyo socod siiyaha hawlaha qaranka. Waxaanu yidhi “Boolisku waa ilaaliyaha hal-bawleyaasha qaranka, iyo hantidda qarankaba. Boolisku waa ciidanka keliya ee Habeen, iyo Maalin ba shaqeeya.

Boolisku marka koowaad waajibaad buu leeyahay. Boolisku wuxuu masuul ka yahay, amniga gudaha oo uu ilaaliyaha koowaad ka yahay.

Boolisku Nafta muwaadiniinta ayuu ilaaliyaa, oo inta qofku danihiisa gaarka ah ku foogan yahay, boolisku wuxuu ka ilaalinayaa in ay dhibaato soo gaadho”.

Geesta kale taliye Daba-galle, waxa kale oo uu sheegay in boolisku shaqada qaranka ee addag ee ay hayaan darteed in ay la kulmaan dhibaatooyin. Waxaanu ydihi “Sanadkan oo keliya dhimasho ka badan 16 askari ayaa ku geeriyooday, iyagoo shaqadii qaranka haya. Waxaa ku dhaawacmay 40 askari in ka badan. Iyadoo waxaas oo dhibaato ahi ay ku dhacayaan booliska, haddana wuxuu ku khasban yahay inuu si wanaagsan ula macaamilo shacabka. Si taasi u hir gasha na waa inuu boolisku xeerarka raaco, oo uu ku dhaqmo” ayuu yidhi taliye Daba-galle.”