Wakhtiyada Awoodda Qofku Kordho!

0
130

Dayuurad ay leedahay Shirkadda EasyJet duulimaadka flight EZY9958 oo ay ka duulaysay Madaarka malgo ee spain iyadoo ku sii jeeda dalka Ingiriiska ayuu duuliyuhu ogaaday in labada mishiin ee dayuuradda uu midkood xun yahay, sidaas darteed wuxu rakaabkii usoo bandhigay inay kala doortaan inuu dayuuradda ku duuliyo halka mishiinka iyo inay sugaan inta laga shaqaynayo cillada mishiinka. Waxa uu intaasi raaciyay haddii uu sidaasi ku duuliyo inay badbaadi karaan oo ay nabad ku fadhiisan karaan ay tahay qiyaas dhan 50% .

Waxa kale oo uu cadeeyay haddii duulimaadku baaqdo in 40 saacadood ay qaadan doonto.ย  Markii duuliyuhuย  uu siiyay rakaabka warbixintaasi cabsida leh dadka badankiisa ayaa dayuurada si dhakhso ah oo degdeg ah albaabka u boobay kana wada degay iyagoo ka cabsi qabay in duuliyuhu goโ€™aan kale iska gaadho oo uu duuliyo dayuuradda isagooย  halistaasi og ka dibna ay halaagamaan. Waxaana ku jiray kuwo ay ku adkayd markii hore fuulidda dayuuradda oo markii danbe si degdeg ah uga degay. Naxdinat iyo cabsida ayaa keenta in awoodda qofku badato. Waxaana qofka looga baahan yahay in aanu Allah (sw) mooye cid kale ka cabsan taasi oo ku gaadhayo Raal- Ahaansha Allea.