- Nin ayaa la waydiiyey waxa keligii cidlada u joogo ? Wuxuu ku jawaabay: โ Rabbigey ayaan la joogaa markaan rabo inuu ila hadlo Qur’aankaan akhriyaa, markaan rabo in aan la hadlona laba rakcadood ayaan tukadaaโ.
- Markaad sarayso saaxiibadaa ayaa garanaya qofkaad tahay!, laakiin markaad hoos udhacdo adiga ayaa garanaya saaxiibadaa nooca ay yihiin.
- Qof aan garanayn qiimahaaga markaad la joogto, markaad ka maqnaato ayuu ka murugooda waayidaada.
- la joog dadka ku qadarinaya, ha udhigin qiimahaaga hoos, hadii qadarinta iyo tixgelinta la miisaamilahaa waxay ka qaalisnaan lahaayeen dhagxanta dahabka ah.
- kalluunku afkiisa ayuu xidhaa si an loo ugaadhsan, xidh afkaaga waxaa jira kuwo khaladkaaga raadinaya, xurmee kan ku baahda.
- loox ayaa musbaar ku yidhi waad i dulmiday, musbaarka ayaa ugu jawaabay hadii aad arki lahayd dubaha la ila dhacayo waad ii cudurdaari lahayd, u cudurdaar dadka, noqo sida qorraxda oo kale mid saafi ah niyadana hagaaji.