Xoolo Dhaqatadda iyo Beeralayda Gobolka Saraar Oo Lagu Tababaray Kaydinta Wax Soo Saarka Calafka Xoolaha

0
138

Waa muhiim in la horumariyo la na casriyeeyo hanaanka xoolo dhaqashadda, kaydinta wax soo saarka Siidhka calafka xoolaha, iyo sidii ay bulshadeena xoolo dhaqatada ahi arrimahaa u fahmi lahaayeen.

 

Maadaama oo ay xoolaha nooli yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha qarankeena, isla markaana bulshadeenu 80% ay si toos ah, iyo si dad-ban ba ay noloshoodu ugu tiirsan tahay xoolaha nool, iyo waxyaabaha ka soo baxa.

 

Iyadoo taa laga duulayo ayaa bishii ina dhaaftay ee November, waxay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland waxay magaaladda Caynaba, ee xarunga gobolka Saraar, ku qabatay tababar ku saabsanaa wax soo saarka Siidhka calafka xoolaha.

Tababarkaasi oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa ka qayb qaadanayay shaqaalaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Saraar, iyo xubno ka socday bulshadda magaaladda Caynaba.

Tababarkaasi waxaa fulinaysay haayadda maxaliga ah ee AADO, halka ay maalgelisay wasaaradda Deegaanka JSL oo kaashanaysa haayadda UNDP.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa hadaladii ay masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saraar, iyo martidii kale ka jeediyeen.

Sidoo kale qaybta labaad ee qormadeenan waxaynu ku soo qaadan doonaa Shirka Saamaynta Mashaariicda Horumarineed Ku Leeyihiin Arrimaha Deegaanka oo isna dhawaan lagu qabtay caasimadda Hargaysa.

Tababarkani ku saabsanaa diyaarinta, iyo kaydinta wax soo saarka calafka xoolaha ayaa loo qabtay labaatan qof oo kala socday dadka xoolo dhaqatadda, iyo beeralayda ee gobolka Saraar, iyo shaqaalaha wasaaradda Deegaanka ee gobolkaasi.

Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saraar Mubaarig Ismaaciil Cismaan, oo xidhitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay haayadda UNDP mashaariicda ay wasaaradda Deegaanka kala qabatay gobolka Saraar, kuwaasoo uu ku jirro xarunta dhir kobcinta.

Mubaarig Ismaaciil Cismaan, ayaa ka qayb galeyaashii tababarkaasi kula dar-daarmay in casharadii ay barteen in ay uga faa’iideeyaan bulshadii ay ka yimaadeen.

Waxa kaloo uu sheegay Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saraar, in tababarada noocan ah ay aad muhiim ugu yihiin bulshadda gobolkaasi.

“Waxaan idin kula dar-daarmayaa dhamaantiinba bulsho ahaan aqoonta aynu ka faa’iidnah tababarkani waa in aanay idinka uun idinku koobnaanine, waa inaad bulshadiina uga faa’iodaysaan.

Dhulkii aynu ka nimid, iyo dadkii aynu ka nimid, inta aynu bari karno waa inaad bartaan. Tababarada noocan ahi aad iyo aad ayay muhiim ugu yihiin bulshadda gobolkeena” ayuu yidhi Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saraar.

Geesta kale waxyaabaha lagu bartay tababarkani waxaa ka mid ahaa wax soo saarka calafka xoolaha, iyo suuq gayntiisa, iyo sida loo goosto, iyo sida tayadiisa loo ilaaliyo, iyo sida loo kaydiyo.

Sida uu sheegay in Maxamed Saleebaan Muumin, oo ahaa macalinka tababarkani bixinayay.

Maxamed Saleebaan Muumin, oo arrimahaa ka warbixinayayna waxa uu yidhi”Waxyaabaha lagu bartay waxaa ka mid ahaa wax soo saarka calafka xoolaha, iyo suuq gayntiisa, iyo sida loo goosto, iyo sida tayadiisa loo ilaaliyo, iyo sida loo kaydiyo.

Tababarkan waxaa qabatay oo fulinaysay haayadda AADO, waxaana maalgelintiisa iska kaashaday wasaaradda Deegaanka Somaliland, iyo haayadda UNDP.

Waxaa ka faa’iidaystay 20 qof oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshadda Caynaba”.

Dhinaca kale xubinta labaad ee qormadeenan DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka JSL oo Hargaysa ku qabatay shir ku saabsan saamaynta ay deegaanka ku yeeshaan mashaariicda horumarinewd ee dalka laga fuliyo.

Shirkani oo furay agaasimaha guud ee wasaaradda Deeganka iyo Isbedelka cimiladda JSL Maxamed Cabdilahi Ducaale, ayaa lagaga hadlayaa saamaynta qiimaynta Raad-reebka Deegaanka iyo bulshada ee mashaariicda horumarineed ay ku leedahay arrimaha degaanka.

 

Waxaanu shirkani u dhexeeyay wasaarada Deegaanka Somaliland iyo madaxda Baanka adduunka u qaabilsan arrimaha ilaalinta bed qabka deegaanka iyo bulshada ee Bariga Afrika. Kaas oo ay ka soo qayb galeen wasaarradaha iyo haayadaha dawlada ee fuliya mashaariicda horumarinta ee saamaynta ku keeni kara Deegaanka iyo bulshada.

Gebegebadii shirka waxa la isla gartay in mashaariicda horumarinta laga eego saamaynta ay ku yeelan karaan degaanka iyo bulshada, si looga fogaado dhibaato soo gaadha bad-qabka deegaanka.

Waxa kale oo la isla gartay in kor loo qaado Tayada farsamo iyo aqoonta la xidhiidha saameynta qiimaynta Raad-reebka Deegaanka iyo bulshada ee wasaarada Degaanka iyo Isbdedelka Cimilada.

Sidoo kale waxaa shirkaasi la iskula qaatay in la xoojiyo wadashaqaynta haayadaha dawlada iyo kuwa aan dawliga ahayn ee fuliya mashaariicda horumarinta.