Awoodda Dedaalka Iyo Samaynta Guusha!

0
160

Walt Disneyย  wuxu ahaa ganacsade iyo filim soo saare Maraykan ah oo ku dhashay sanadkii 1901 Chicago, waxaana uu ka shaqayn jiray wargeysa dalkaasi ka soo baxa. Agaasimaha wargeyska ayaa shaqada ka eryay isagoo sheegay in aanu lahayn curinta fikrado cusub oo lagu horumarin karo wargeyska iyo sheekooyinka mala awaalka ah oo xiiso leh.

Laakiin Mr.Walt markii taasi ku dhacday muu noqon mid niyad jabay oo quustay waxaana uu goostay inuu noqdo qof leh hal abuurka curinta qisaska iyo sheekooyinka khayaaliga ah ee filimada laga sameeyo inkasta oo uu marar badan haddana ku fashilmay .

Laakiinย  Mr.Walt ugu danabaystii wuxu sameeyay sheekadii uu ku caan baxay ee filimka laga sameeyay ee lagu magacaabi jiray โ€œBarafka Cad โ€œ Snow Whiteโ€ .

Maanta Mr.Walt isagoo dhintay sanadkii 1966 haddana shirkaddiisa ย Walt Disney Company waa tanย  dunida ugu horaysa curinta iyo hal abuurka sheekooyinka khayaaliga ah ee la xiiseeyo filimadana laga sameeyo dunida oo dhan.

Qofka aadmigu ma jirto waxaanu samayn Karin keliya waa dadaal iyo in aanu niyad jabin marka uu ku fashilmo.ย  Xikmaduna waa โ€œ Yaanay ka lumin Rajada gaadhida guusha