Maxaa Kaa Maqan Eed Raadinysaa?!

0
98

Markii uu Gandhi halgamaagii Hindiya dhiganayay Jaamacadda College of  London, macalin Ingriis ah oo lagu magacaabi jiray “Wilson” ayaa aad u necbaa.  Maxaa yeelay Gandi weligii madaxiisa hoos ugama dhigin marka uu isaga la hadlaayo sida aradayda kale. Mar kastana dood iyo dagaal ayaa ka dhaxasay.

Maalin kale isaga oo Prof. Wilson ku qadaynaya hoolka jaamacadda ayuu Gandi isaguna qadadiisa soo qaatay oo soo ag fadhiistay.  Wilson ayaa ku yidhi “ Gaandi , miyaanad ogayn in Doofaarka iyo shimbirtu aanay meel wax ku wada cunin?”

Gandi ayaa markiiba si edeb leh u yidhi “ Ha werwerin Profossor, waan duulayaa”. Waana uu ka kacay. Wilson oo aad Gandi u necebaa ayaa maalin fasalka dhexdiis ku weydiiyay “ Hadii aad hesho kiish lacag ah iyo Kiisha xikmad ah keebaad qaadan lahayd?”.

Gaandi ayaa markiiba ku jawaabay oo ku yidhi “ ka lacagta ayaan qaadan lahaa”.

Wilson ayaa isna ku yidhi “ Anigu xikmada ayaan qaadan lahaa” . Gandi ayaa ku yidhi qof kastaa waxa ka maqan ee uu u baahan yahay ayuu qaataa. Ujeedaduna waa adiga xikmada ayaa kaa maqan anigana lacagta ayaa iga maqan.