Laba Jeer oo Putin uu Naftiisa u Baqay

0
184

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu Jimcihii u dabbaaldegay sanadguurada 70-aad ee ka soo wareegatay dhalashadiisa, haddaba waxaan eegaynaa sida uu ku noqday kaligii-taliye go’doonsan oo duullaan musiibo ah ku qaaday waddanka Ukraine.

Dhowr arrin oo muhiim u ah noloshiisa ayaa ka caawiyay inuu qaabeeyo aragtidiisa, taas oo sidoo kale sharraxaysa kala fogaanshiyaha sii kordhaya ee kala dhaxeeya reer Galbeedka. Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa labo qodob oo arrimahaas ku saabsan.

Markii la hareereeyay, 1989

Marnaba Putin maankiisa kama aanay bixin rajadiisa xirfadeed ee sirdoonkii Midowgii Soofiyeet, ee KGB. Waxa uu ahaa howlkar, balse aan meel sare gaarin.

Si kasta oo uu xaalku ahaadase, waxa uu billaabay inuu barto luuqadda Jarmalka, kaddibna waxaa loo magacaabay inuu KGB-da u tago xafiiska Dresden, sanadii 1985.

Halkaas ayuu ka billaabay nolol qurbe oo deggan, hase yeeshee, bishii Nofeembar 1989, waxaa billaabmay inuu burburo maamulkii ka talin jiray Bariga Jarmalka, weliba si aad u degdeg badan.

Shantii bishii Diseembar, koox burcad ah ayaa isku-hareeraysay dhismihii Dresden ee KGB-da. Putin oo quus taagan ayaa waxa uu taleefan u diray saldhigga milateri ee ugu dhawaa si ay ilaalo u siiyaan, kuwaas oo taagdarradooda ku jawaabay: “Wax aynu qaban karno ma jirto illaa aynu amar ka helno Moscow. Moscow war kama soo socon.”

 

Putin ayaa wax ka bartay cabsidii uu ka qaaday burburkii degdegga ahaa ee ku dhacay dowladdii dhexe – waxaaana ka go’neyd in abid aanay soo laaban waxa uu dareemayay inuu qalday hoggaamiyihii Midowga Soofiyeet, Mikhail Gorbachev, taas oo aheyd in uusan si degdeg ah uga jawaabin xaaladaha iyo inuu go’aan qaato markii mucaaradad looga hor yimaado.

Markii karantiilka loo geliyay Covid, 2020-21

Markii cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu cagta mariyay dunida, madaxweyne Putin ayaa isgeliyay go’doon aan caadi u ahayn xitaa kaligood-taliyeyaasha, oo qofkii doonaya inuu la kulmo waa la karantiili jiray muddo labo toddobaad ah iyadoo weliba la ilaalinayo, markaas kaddib qofkaas waxaa la dhexmarsiin jiray goob lagu dilo jeermiska.

Waqtigaas, tirada xulafada iyo la-taliyeyaasha ee ay u suuragashay inay waji-ka-waji ula kulmaan Putin ay aad hoos ugu dhacday oo ay ku soo koobantay nacamleeyeyaal iyo kuwo hagardaamada ku weheliya Putin.

Iyadoo ay soo gaarayeen aaraa aan badneyd sidoo kalena ay adkeyd inuu arko dalkiisa, ayuu Putin u muuqanayay inuu “ogaaday” in dhammaan aragtiyadiisa ay sax ahaayeen, loona meel dayi karo, sidaasna dhidibada loogu aasay miraha dullaanka uu ku galay Ukraine.