Reer Laascaanood waxaan Leeyahay Magaalo ma Noqon karto Maamul…” Guddoomiyaha UCID

0
141

Hargaysa (Dawan):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed, iyo nabad geliyo ee haatan dalka ka taagan.

Eng. Faysal, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga UCID ee magaaladda Hargaysa, waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay gobolka Sool, doorashooyinka, iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlay xaaladda gobolka Sool, ayaa baaq u diray qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool ama u dhashay gobolkaasi.

Waxaanu sheegay in ay yihiin dad reer Somaliland ah dhul ahaan, iyo maamul ahaanba,  isla markaana ay ogaadaan in aanay hal magaalo ama hal gobol aanu maamul goboleed ama dawlad noqon karin.

Wuxuu ku bogaadiyay hawsha ay qaranka u hayaan ciidamada qaranka Somaliland oo uu ku tilmaamay geesiyaal qaran.
“Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Somaliland iyo adduunkaba, dagaalka ay kooxaha Huwanta ahi ka wadaan gobolka Sool, ma aha dagaal beelo u dhexeeya. Waa ciidanka qaranka Somaliland oo daafacaya dalkooda, iyo shacabkoodda, xaq na u leh xuduudkooda in ay tagaan.

Laascaanood, waa meel shuruucda caalamiga ah ee xuduuduhu ay inoo sheegayaan inay ka tirsan Somaliland.
Somaliland na xaq waxay u leedahay xuduudkeedda in ay tagto. Meeshana haddii aan la gaynin sharcigs Somaliland sidii uu uga jiri jiray, balaayo ayaa geli doonta. Waxaanu sheegaynaa in meeshaasi ay bahal galeen noqon doonto, oo ay khatar noqon doonto Badda Cas, oo ay hoy u noqon doonto Argagixisadda”.

Waxa uu ka dayriyay maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya oo uu sheegay in aanay shaqaynin oo ay isku bedeleen kuwo qabiil, isla markaana ay noqotay in meel walba reer gaar ahi qabsaday.
Sidaas darteedna waxa uu tilmaamay in aanay suurto gelaynin in Laascaanood laga dhigo maamul goboleed.
“Waxaan baaq u dirayaa reer Laascaanood, oo aan leeyahay caqliga ma gasho in magaallo maamul loo sameeyo, wax suurto-gal ahna maaha.

Waxaan idinkula talinayaa nabadda qaata, yaan been iyo wax aan suurto-gelaynin loo sheegin Dumarka, iyo Carruurta” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.