Golaha Guurtida oo War Ka Soo-saaray Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka oo ay Gacanta Ku Hayaan

0
131

Hargaysa(Dawan):- Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka ayaa in muddo ah waxa gacanta ku hayay golaha guurtida, taas oo uu guddoomiyaha golahaasi uu guddi u saaray soo naaqishta xeerarka isa-saarka Doorashooyinka, kuwaas oo ka koobnaa 15 Xildhibaan.

Guddoomiyaha guddida xeerka gacanta ku haysa Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa sheegay inay hor keenayaan xeerka isa-saarka Doorashooyinka Qaranka gole waynaha, si ay waajibkooda uga gutaan.

Xildhibaan Xareed ayaa  sheegay in aanay waxba ka badelin qodobada isa-saarka ee ay soo jeediyeen Madax dhaqmeedka Burco, sidoo kale waxaa uu guddoomiyuhu ugu baaqay bulshada reer Somaliland in aanay jirin wax ka xun xeerkaas iyo in aanay jirin cid loo xaglinayo, sidoo kale waxa uu sheegay in xeerarkaasi ay ka dhamays tiran yihiin oo aanay jirin wax qabyo ka ah, haddii laga tagi waayo arrimo farsamo mooyee waxaanu yidhi

 

‘’waxaan leeyahay reer Somaliland is dejiya, wax inaga xun iyo wax cid gooni ah loogu xalinayaa ma jirto doorashadaasi in la isa saaro guurtidu waxba kama badelin, waxaana la leeyahay cid bay ku tiirsan yihiin balse anagu cidna kuma tiirsanin.

Xeerkii haddaan gacanta ku haynay duruuftu way iska badan tahay hase ahaatee gebo’badii waxaanu leenahay ha lais dejiyo, wax inaga xun iyo wax cid loogu xaglinayaa ma jirto ILLAAHAY baa sidaasi nagu og’’.