Wasaaradda Daakhiliga iyo Jaamacadda Hargaysa oo Iska Kaashanaya Samaynta Cilmi Baadhisyo Muhiim ah

0
125

Hargaysa(Dawan):- Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Jaamacada Hargeysa ayaa kala saxeexday heshiish ku saabsan in cilmi baadhis lagu sameeyo khilaafaadka soo noqnoqda iyo arrimaha khilaafaad ee ka dhaca bulshada dhexdeeda.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, Guddoomiyaha Jaamacada Hargeisa Dr. Maxamuud Yusuf iyo Agaasimaha Machadka xallinta khilaafaadka ee Jaamacada Hargeysa Dr. Naasir Maxamed Cali ayaa kala saxeexday heshiishkan.

Kulanka ayay labada dhinac ku kala saxeexanayeen heshiiska ayaa waxa ugu horayn ka hadlay GuddoomiyahaJaamacadda Hargaysa Dr. Maxamuud Yuusuf waxaanu ka warbixiyay heshiiskan iyo sida ay ka jaamacad ahaan uga qayb qaadanayaan waxaanu yidhi

‘’maanta(shalay) waxa aanu halkan ku saxeexaynaa heshiis u dhexeeya Jaamacadda Hargaysa gaar ahaan Machadka xallinta khilaafaadka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waanan u mahad naqayaa  wasiirka iyo shaqaalihiisa oo kasoo shaqeeyay hawshan inay iska kaashadaan Macahadka xalinta khilaafaadka, wax badan baa lagu lafo guri doonaa heshiiskan, Machadka khilaafaadka oo xog badan haya, dalka oo dhana ka shaqeeyay, goob qoraalna leh wax badan bay ka tari doonaa mushkiladaha iyo dhibaatooyinka soo noq-noqda ee dalka ka dhaca sidii looga hor tagi lahaa.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka waramay heshiiskan ay iska kaashanayaan Jaamacadda Hargaysa ee xalinta khilaafaadka soo noq-noqda waxaanu yidhi

‘’Maanta(shalay) Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Jaamacadda Hargaysa gaar ahaan Machadka xalinta Khilaafaad waxa ay wada galeen heshiis wada shaqayneed oo taabanaaya arrimaha xalinta khilaafaadka ee guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay Jaamacadu tahay goob aqooneed ayna leedahay Machadka Nabada iyo Khilaafaadka in aanu arrintaasi iska kaashano oo ay qayb ka noqdaan, iyaga oo cilmi baadhisyo badan ka sameeyay arrinta xalinta khilaafaadka, wasaaraduna ay qar badan gashay xalinta khillafaadka qaarna hadda gacanta lagu hayo