Dowlad Raadineysa boqol Qof oo u Dagaallamayay calooshood u Shaqeystayaasha Wagner oo la’yahay

0
124

Qiyaastii boqol qof oo u dhashay dalka Nepal ayaa la la’yahay ama ku dhaawacmay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Dowladda Nepal ayaa sheegtay in ay soo gaareen cabashooyin ku saabsan xaaladda 100 qof oo ka mid ah muwaadiniinteeda oo eheladoodu ay raadinayaan.

Dadkan ayaa u dagaallamayay kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine laguna magacaabo Wagner.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Nepal Narayan Prakash Saud ayaa sheegay in dowladiisu ay la wadaagtay xukuumadda Moscow walaaca ku aaddan dadka la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

 

 

 

 

Tiro badan oo reer Falastiin ah oo Qasa lagu laayay saacado gudahood

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la dilay dad gaaraya 241 oo qof kuwaas oo sababsaday weerarada iyo howlgallada ciidamada Israa’iil ay ka wadaan Marinka Qasa.

Dhanka kale madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa ku tilmaamay xaaladda Qasa ka jirta “dambi dagaal” oo culus oo laga galayo dadka reer Falastiin.

Israa’iil ayaa weli ku adkeysanaysa in ay sii wadayso dagaalka ilaa inta ay ka xaqiijineyso hadafka ay ka leedahay.

 

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii xoogeysanaya waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaaraysa dagaalka iyadoo ay nolosha Qasa-na sii noqoneyso mid sii adkaanayso oo xitaa dadkii waxaa gabaabsi ka ah cunto, biyo nadiif ah iyo dawo.