Iiraan oo sare u qaadday soo saarkeeda macdanta nukliyeerka laga sameeyo

0
169

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa sheegtay in Iran ay kordhisay wax soo saarka Yuraaniyaamta aadka loo tayeeyay, iyadoo dib u dhac ku yimid muddo lix bilood ah.

Warbixin ay soo saartay IAEA, oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay in Tehran ay hadda kobcinayso Yuraaniyaamta ilaa lixdan boqolkiiba, taas oo ku dhow heerka hubka laga sameeyo.

Waxa ay sheegtay in kormeerayaasha IAEA ay ka arkeen isbeddel ku yimid wax soo saarka bil ka hor, markii ugu horreysay warshadda shidaal dhalinta ee Fordow ee Iran, ka dibna xarunta Natanz.

Qadarka bacraminta labada warshadood ayey hadda xaqiijisey wakaaladda Nukliyeerka. Iran ayaa beenisay inay qorshaynayso samaynta hubka nukliyeerka.