“Heshiiskan JSL Waxay ku Heli-doontaa Waxay Baadi-goobaysay 32 Sanno”

0
134

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Akadhamiyada Nabada iyo Hourumarka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Faarax Xirsi ayaa sheegay in heshiiska taariikhiiga ah ee ay Addis Ababa ku kala saxeexdeen Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid faa’iido weyn u leh JSL, isla markaana ay ku heli doonto wixii ay baadi-goobaysay muddo 32 sanno ah.

Gudoomiyaha Akadhamiyada Nabada iyo Hourumarka Maxamed Faarax Xirsi ayaa bulshada Jamhuuriyadda Somaliland faahfaahin dheeraad ah ka siiyay faa’iidada iyo waxtarka uu heshiiskani u leeyahay dalka JSL, sidoo kalena waxa uu sharaxaad ka bixiyay saddex qodob oo ay tahay in ay ku baraarug-sanaadaan bushada reer Somaliland.

Gudoomiyaha Akadhamiyada Nabada iyo Hourumarka Maxamed Faarax Xirsi waxa kale oo uu bulshada reer Somaliland u soo jeediyay in ay taageeraan heshiiskan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Heshiiskaas hor-dhaca ahi waxa uu muujinayaa oo uu qeexayaa oo uu iftiiminayaa in labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland ay wadaagaan wax badan, xadaarada reer galbeedka ayaa tidhaahda ‘ma jirto qado bilaash ah oo la iska cunaa’. Dal wax iska siiya dal kale ma jiro ee wax baa la kala bedeshaa, hadday dhaqaale noqoto, hadday noqoto ka wada shaqaynta arrimaha amniga iyo hadday tahay xagga diblomaasiyadda iyo siyaasadda, ma jiro dal wax iska siiya dal kale ee wax baa la kala bedeshaa, markaa Somaliland iyo Itoobiya waxay kala bedesheen waa wax taariikhda dalka geli doonta.”

Maxamed Faarax Xirsi isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyay “Waxaynu u baahanahay in aynu qeexno oo aynu iftiimino heshiiskan oo aynu dadkeena reer Somaliland fahansiino. Heshiiskani waa heshiis hor dhac ah, waana heshiis Somaliland u suuro-gelinaya in ay hesho wixii ay saddex iyo soddonka sannadood baadi-goobaysay oo ah in ay noqoto dal la ictiraafay oo qayb ka ah waddamada dunida, dalalka Midawga Afrika, qayb ka ah urur goboleedka IGAD isla markaana qayb ka ah Qaramada Midoobay.”

Gudoomiyaha Akadhamiyada Nabada iyo Hourumarka waxa uu sheegay in Itoobiya ay noqonayso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Itoobiya sida heshiiska ku cad, waxay noqon doontaa dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, inaguna sidii Madaxweynaheedu sheegay waxaynu ka kirayn doonaa qayb ka mid ah baddeena. Heshiiskaasi muxuu kaga duwan yahay tii aynu ka kiraynay DP Word, saldhigii milatari ee nidaamka sharci maray ee aynu ka kiraynay Imaaraadka Carabta, muxuu kaga duwan yahay dalka aynu walaalaha nahay ee jaarka nahay ee Jabuuti ee dhawr iyo tobanka waddan ka kireeyay ee saldhigyada milatari siiyay.”

Maxamed Faarax Xirsi waxa uu sheegay in heshiiskani uu furo u noqon doono horumarka iyo kobaca dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “Heshiiskani waxa uu kor u qaadayaa horumarka iyo kobaca dhaqaalaha Somaliland, sababta oo ah xeebteena oo ka badan sagaal boqol oo kiiloomitir, isla markaana eegaya marin biyoodka ugu muhiimsan dunida ee babul-mandab, kaas oo ku sii xidha Kinaal Suways oo dhaqaalaha dunidu uu boqolkiiba laba iyo toban ay maraan, inaga wuxuu inooga dhigan yahay isku furkii dhaqaalaha, iyada oo dhaqaalaha Itoobiya iyo dhaqaalaha Somaliland ay isku tiirsan yihiin, waxaan bulshada la wadaagayaa in dhaqaalaha ina dhex mara inaga iyo Itoobiya uu yahay boqolkiiba 89%, halka dhaqaalaha ina dhex mara inaga iyo Soomaaliya ay tahay boqolkiiba 2%, markaa fursado badan oo dhaqaale ayaa imanaya.”

Gudoomiyaha Akadhamiyada Nabada iyo Hourumarka waxa kale oo uu ka hadlay aqoonsiga ay dawladda Itoobiya aqoonsanayso qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “marka aynu ka hadlayo aqoonsiga Itoobiya ee Somaliland, su’aasha meesha taalaa waxa weeye ma Itoobiya oo qudha ayaa ina aqoonsanaysa. Waxaan jeclahay inaan kuu sheego aniga oo muddo bandanna wax ka qoray isla markaana akadamiyadda nabadda iyo horumarkuna ay daraasado badan ka samaysay, xogta aanu hayno iyo aqoonta aanu leenahay markaanu eegnay tani waa furihii ay Somaliland doonaysay, waxa la socda oo ka shaqeeyay oo taageeraya waddamo badan oo ajaanib ah oo dunidana saamayn weyn ku leh.”