Guddoomiyaha Komshanka Doorashooyinka JSL oo la kulmay Dhigiisa Taiwan

0
101

Taiwan(Dawab):-Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, Mudane.  Muuse Xasan Yuusuf, iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Taiwan.

Weftiga uu horkacayo guddoomiyaha doorashooyinka Somaliland ayaa waxa soo dhaweeyay guddiga dhexe ee doorashooyinka Taiwan iyo masuuliyiin ka soday  wasaaradda Arimaha Dibada Taiwan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Taiwan ayaa sheegtay in safarka xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland  lagu marti qaaday doorashada dhawaan ka dhacaysa Dalka Taiwan in ay goob-joog uga noqdaan hannaanka ay  doorashadaasi u dhacayso.

Weftiga ayaa inta ay ku sugan yihiin Taiwan waxay la kulmi doonaan  Wasiirka Arimaha Dibada taywaan  Dr. Joseph Wu iyo madax kale oo ka tirsan dalkaas.

Labada guddi ee Taiwan iyo Somaliland ayaa waxay isweydaarsan doonan aqoon iyo khibrad dhinaca doorashooyinka la xidhiidha.

Koomishanka doorashooyinka Somaliland iyo kan taywaan ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan xidhidhkooda si loo horumariyo dimuqraadiyadda.