Faa’iidooyinka ku Jira in Itoobiya Bilowdo AQOONSI-ga Somaliland?

0
126

Hargeysa(Dawan):-  is-afgaradka ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya waa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhinaca iskaashiga iyo wax-wada qabsiga labada dal. Sida heshiisku dhigayo Itoobiya waxa aqoonsi rasmi ah siin doontaa JSL, kaas oo adkaynaya xidhiidhka dhinacyada badan leh ee hore uga dhaxeeyay labada dal, sidoo kalena waxa uu abuurayaa fursado istaraatiijiyadeed oo labada ummadood ka wada faa’iidaysan karaan.

Heshiiskan Is-afgaradka ee ay kala saxeexdeen labada dal waxa uu horseedi karaa barwaaqo labada dhinac wadaagaan. Si gaar ah Somaliland waxa uu u abuuri doonaa fursado mugleh oo saamayn muuqda ku yeelan doona mustaqbalkeeda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

Faa’iidooyinka ay Somaliland ka heli doonto aqoonsiga Itoobiya waxa ka mid ah:

Aqoonsiga Hordhac ah: Dawladda Itoobiya oo bilowda aqoonsiga Somaliland waa tallaabo barbilow u noqon doonta helitaanka aqoonsi caalami ah, tallaabadani waxa ay meesha ka saaraysaa caqabad in badan hortaagnayd helitaanka aqoonsi buuxa oo Somaliland hesho, caqabadaas oo ah in la helo waddan bilaaba aqoonisga Somaliland. Wadamo badan oo Somaliland la saaxiib ahi waxa ay marar badan muujiyeen in haddii looga horeeyo ay diyaar u yihiin in ay aqoonsi buuxa ay Somaliland siiyaan, Waxa sidoo kale tallaabadni hordhac u tahay in Somaliland aqoonsi ka hesho Goolaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly), iyada oo kaashanaysa saaxiibada ay leedahay.

Fagaarayaasha Caalamiga ah: Ictiraafka Itoobiya waxa uu fududayn doonaa in Somaliland gaadho fagaarayaasha caalamiga ah una dooddo danaheeda heer caalami, kana baxdo xaaladii ay ku jirtay 32 sano ee u dambeeyay ee ahayd in dibadda ay ka joogto masraxa caalamiga ah.

Sharciyadda Caalamiga ah: Aqoonsiga Itoobiya waxa uu Somaliland u horseedi doonaa in ay hesho sharciyad iyo jiritaan caalami ah taas oo u sahlaysa in ay furan karto safaarado iyo in ay ku biiri karto hay’ado iyo ururo caalami ah oo kala duwan, iyada oo kaashanaysa wadamada saaxiibada yihiin ama kuwa dano ka dhaxeeyaan.

Iskaashi Amni: Aqoonsigani waxa uu Somaliland u sahlayaa in ay wadamo kale la gali karto iskaashi la xidhiidha arrimaha nabadgelyada, gaar ahaan xasilinta mandaqada Geeska Afrika iyo Badda-cas oo ah gobol ay ka jiro caqabado badan.

Muuqashada Somaliland ee Heer Caalami: Aqoonsigani waxa uu kor u qaadayaa muuqashada iyo hadal haynta Somaliland ee heer caalami, sidoo kale waxa uu fududayn doonaa in caalamku fahan sax ka haysto qadiyada Somaliland oo mudo dheer ku koobnayd heer aan dhaafsiisnayn Geeska Afrika.

Horumarinta Dhaqaalaha: Aqoonsiga Itoobiya waxa uu ka qayb qaadan doonaa samaynta fursado maalgashi shisheeye, ganacsi caalami ah iyo kaalmo dhaqaale oo toos ah, arrimahaa oo muhiim u ah dal soo koraya sida Somaliland oo mudnaanta siinaya kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee uu leeyahay.

Helidda Kaalmaha Horumarinta iyo Mucaawanooyinka: Somaliland waxa ay heli doontaa kaalmo horumarineed iyo caawimo farsamo ay si toos ah uga heli doonto dalalka aqoonsan madax-banaanideeda, iyada oo aan meel kale la soo marinayn. Taakuladani waxa ay lafdhabar u tahay horumarinta dawladnimada, bixinta adeegyada bulsho sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, iwm.

Ka Qaybgalka Tartamada Ciyaaraha iyo Dhaqanka: Somaliland waxay awood u yeelan doontaa inay ku biirto xidhiidhada ciyaaraha caalamiga ah ee kala duwan, taas oo u ogolaan doonta in ciyaartoygeedu ay ku tartamaan, iyaga oo sita calanka Somaliland.

Inkasta oo bulshada Somaliland ay ka doodayso isla markaana ay falanqaynayso faa’iidooyinka iyo caqabadaha uu wato Heshiiska IS-Afgaradka ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, hadana wax aan indhaha laga qarsan karayn in uu xambaarsan yahay qodobbo qiimo wayn u leh bulshada Somaliland oo ay ku faani karaan.

Heshiiskani waxa uu si cad u muujinayaa faa’iidada ay leedahay iskaashiga iyo wax wada qabsiga umaduhu wada yeeshaan, waana tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca mustaqbal ifaya oo ay Somaliland yeelato aduunkana ka mid noqoto waxna la qaybsato.

Dr. Cabdiwali Cabdillaahi Suufi

Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda.

Top of Form

 

Bottom of Form