Hamuunta Ictiraafka Bulshada JSL, Waxaad Ka Dareemaysaa Soo Dhawaynta Madaxwaynaha Ugu Bishaareeyay Aqoonsiga

0
114

Hargaysa(Dawan) Tan iyo intii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u boqoolay dalka aynu saaxiibka fog nahay ee Itoobiya, halkaasi oo uu marti qaad rasmiya ka helay Raysal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed, waxaa isa soo taraysay dareenka wadaniyadeed ee shacabka Somaliland ku garab taagan yihiin weftiga Madaxwaynaha eek u foogan ka dhabaynta himilada iyo helista halkii loo socday.

Mar kaliya waxaa xaga Itoobiya inooga yimi war ay bulshada reer Somaliland guud ahaan ay aad ugu faraxday kaasi oo ay sugayeen inay maqlaan muddo ku siman 33 sanadood oo ahaa in dalal caalamka mid kamid ahi u uku dhawaaqo in uu aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland.

Itoobiya waxaa ka dhacay heshiis Taariikhiya kaasi oo ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dal waynaha Itoobiya, qodobka khuseeyay shucuubta Somaliland ee ay sida wayn ugu farxeen ayaa ahaa in dalka Itoobiya uu noqonayo dalkii u horeeyay ee aqoonsi caalami ah u fidiyay Somaliland.

Maalintaas ilaa maalintii shalay oo ay Hargaysa soo gaadheen weftiga madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, shacabka Somaliland yar iyo wayn waxa ay u ahayd ciid iyo dabaal-deg iyo in ay hadh iyo habeen muujiyaan sida ay ugu ooman yihiin inay helaan Ictiraafkii ay sugayeen mudad 30-ka sano ka badan ooh adda u muuqda in kaahiisii uu dul joogo guud ahaan dalkani Somaliland.

Shacabka Somaliland oo sidii ugu jira dabaal-dagyadii ay ku muujinayeen taageerada heshiiska uu ka dhashay inay shacabku maqlaan dhawaaqa Aqoonsi uu dalkani helo, ayaa waxa dalka soo gaadhay Madaxwaynaha Somaliland iyo weftigii ku sugnaa dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay ka muuqato ifa-faalo guuleed.

Shacabka reer Somaliland oo wajiyadooda ay ka muuqato helista aqoonsi iyo ka mid noqoshada dalalka caalamka ayaa jidadka Hargaysa, si farad ku dheehan tahay ku soo dhaweeyay weftiga Madaxwaynaha iyaga oo ku labisan calanka Somaliland, kuna luuqaynay erayo soo dhawayn ah oo ay ku hambalyaynayaan Madaxwaynahooda.

Muddo ku siman sadex saacadood ayaa ay shacabka Hargaysa dariiqyada u taagnaayeen muujinta iyo soo dawaynta heshiiska u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo weftiga la sugayay ee uu hormoodka u ahaa Madaxwaynaa Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Shacabka ayaa intaasi waxaa u dheerayd inay ka gil-gishaan ereyada iyo hadalada ka soo horjeeda heshiiska ee ka imaanayay Soomaaliya iyaga oo jawaab ka bixinayay hadaladaasi, uguna baaqayay dalka iyo madaxda Soomaaliya inay ka samraan Somaliland oo ay dalkooda u tashadaan.

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu soo gaadhay Hargaysa waxa uu shacabkii soo dhawaynayay ku salaamay dariiqyada Hargaysa ee ay tubnaayeen shacabku, isaga oo gaadhiga uu saarnaa kala soo baxa qaar ka sare siu u u salaamo shacabka mudad badan u taagnaa jidadka si ay u soo dhaweeyaan, una muujiyaan taageerada heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku dhex maray Adis-Abbaba.

 

Gebo’gabdii markaad u fiirsato sida ay uga falceliyeen shacabka Somaliland heshiiska taariikhiga ah ee u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya iyo taageerada ay la garab istaageen madaxdooda, markaad dhagaysato hadalada iyo doonista dhabta ah ee ku saabsan helitaanka Aqoonsi caalami ah, markaad dheehato sida ay heeganka ugu yihiin difaaca doonista Qarankooda, waxa kuu soo baxaysa inay bulshada reer Somaliland u bislaadeen ogaansiyaha dhabada loo marayo helitaanka Aqoonsi caalami ah iyo sidii loo kasban lahaa cid kasta oo qirta dal ahaanshaha iyo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.