Warbaahinta Wales oo Faaqiday Badhaadhaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu Jirta Is-fahamka ay la Gashay Itoobiya

0
230

Hargaysa (Dawan) Shabakada NATION CYMRU oo ah warside laga leeyahay Wales, ayaa warbixin dheer ka diyaarisay heshiiskii isfahamka ahaa ee ay kala saxeexdeen Isniintii toddobaadkii hore Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Abiy Axmed.

Warbixintan oo uu warsidahani ciwaan uga   dhigtay “Dadka reer Somaliland ee Welishka ah oo rajo weyn ka qaba aqoonsiga Afrika” ayuu ku bilaabay sidan:-

“Kumanaan qof oo reer Somaliland ah ayaa u dabbaal-degaya heshiis taariikhi ah oo ay la galeen Itoobiya, kaas oo waddankooda siinaya aqoonsi rasmi ah oo uu ka helo waddan kale oo ku yaalla qaarada Afrikaan ah markii ugu horreysay.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in Somaliland oo ahayd Maxmiyadii Ingiriiska ay dhacdo waqooyi bari ee Afrika, isla markaana ay xornimadeeda dib ula soo noqotay bishii May 1991-kii, kadib sannado badan oo caddaadis ah oo ay ku hoos jirtay nidaamkii keli teliska ahaa ee Siyaad Barre ee Somalia maamulayay.

 

Warbixintani waxay tilmaantay in Somaliland ay isu taagtay in ay noqoto iftiin naadir ah oo dimuquraadiyadeed oo qaaradda Afrika ka hirgala, waxayna qabatay doorashooyin is-daba-joog ah oo si daahfuran u qabsoomay.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Somaliland aanay helin aqoonsi buuxa inkastoo dad badani aaminsan yihiin inay mudan tahay in lagu abaal mariyo wixii ay qabsatay.

Shabakada NATION CYMRU waxay warbixintan ku dul istaagtay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay qallinka ku wada duugeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed, kaas oo diiradda lagu saaray saddex qaybood oo muhiim ah:

 

Aqoonsi:

In Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, taasoo ka dhigaysa waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo sidaas sameeya.

Tallaabadan ayaa ahmiyad gaar ah u leh marka loo eego Somaliland, oo muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay madax bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 1991-kii.

Kiraynta Aagga Badda:

In Itoobiya ay hesho dhul dhan 20 kilomitir oo kadib baddeed kiro oo ka mid ah xeebaha Somaliland waa horumar la taaban karo labada dhinacba faa’iidooyin waaweyni ugu jiraan.

Isticmaalka Dekedda Berbera:

 

Dekadda Berbera oo ku taal Gacanka Cadmeed, waxa ay Itoobiya siinaysaa waddo qiimo leh oo ay badeecadaha kala soo degto kana dhoofiso, taas oo yaraynaysa ku tiirsanaanta dekedaha kale, iyadoo si weyn u xoojin doonta ganacsigeeda iyo saamaynta istaraatiijiga ah ee ay ku leedahay gobolka.

 

Cali Cabdi oo ah muwadin u dhashay Somaliland isla markaana la gudoonsiiyey sannadkii 2019-ka  billadda Boqortooyada Ingiriiska ee u adeegida bulshooyinka Madaw, Aasiyaanka iyo Qoomiyadaha laga tirada badan yahay ee ku nool Cardiff, ayaa is-afgaradka heshiiskan ku sifeeyay “Saxeexa is-fahamkan iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya ayaa miisaan weyn ku leh Somaliland, gaar ahaan iyada oo ay jirto hubanti la’aanta ka taagan gobolka Geeska Afrika”.

Waxaa kale oo uu intaas raaciyay “Dedaalada iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee faa’iidada wadaagga ah ayaa hoosta ka xariiqaya diblomaasiyadda casriga ah iyo istaraatiijiyadeed ee ay soo bandhigeen hoggaamiyeyaasha labada dhinac, Horumarkani waxa uu dhalinayaa rajo wanaagsan oo ah in aqoonsiga Itoobiya ee Somaliland uu ku dhiirigelin karo ummadaha kale inay tallaabadaas oo kale sameeyaan.”

“Horumarka baaxadda leh ee Somaliland ku tallaabsatay waxa uu la jaan qaadayaa sida ay ugu heellan tahay in la ixtiraamo heshiisyada ay la gasho waddamada iyo ganacsatadda, taasna waxa daliil u ah heshiiska DP World ee lagu guulaystay, kaas oo meesha ka saartay walaacii hore looga qabay saxnaanta heshiisyadan.  Horumarkan beryahan dambe soo kordhay waxa uu diyaar u yahay in uu kor u qaado awoodda dhaqaale ee qaranka, korna u qaado sumcadda Somaliland iyo doorka ay ku leedahay caalamka,”ayuu ku dooday Cali Cabdi.

Warbixinta shabakada NATION CYMRU waxaa kale oo ay soo qaadatay sidii ay heshiiskan is afgarad uga falceliyeen siyaasiyiinta Ingiriisku.

Xoghayihii hore ee gaashaan-dhiga UK ahna xubin ka tirsan baarlamanka Ingiriiska Xildhibaan Gavin Williamson ayaa sheegay inuu la dhacsan yahay in Itoobiya noqoto dalka ugu horreeya ee Afrika ee ku dhawaaqi doona “Aqoonsiga Somaliland”.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa qoraal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyay bartiisa X, ee hore loo odhan jiray  Twitter-ka, wuxuuna yidhi  “Aad baan u soo dhawaynayaa tallaabada taariikhiga ah iyo istiraatijiyadeed ee Itoobiya ay ku noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrika ah ee u aqoonsada Somaliland qaran madax-bannaan.  Hadda waxaan rabaa in aan arko UK oo qaaday tallaabo la mid ah tan Itoobiya, Ingiriisku waa inuu hormuud ka noqdaa abuurista qaab-dhismeedka aqoonsiga Somaliland adduunka oo dhan.”

 

“Waxa aanu u baahanahay in aanu aragno tallaabo deg-deg ah iyo hoggaaminta Ra’iisal-wasaaraha UK Rishi Sunak, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Lord Cameron, iyo Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta si loo xaqiijiyo madaxbannaanida Somaliland.  Muddo aad u dheer Britain ma aysan qabanin wax ku filan – xilligan la joogo, waxaa la gaadhay waqtigii aan si geesinimo iyo go’aan leh u dhaqmi lahayn,”ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Sidoo kale Xoghayihii hore Arrimaha Dibadda UK, Zac Goldsmith, ayaa ku boorriyay dawladda Ingiriiska in ay aqoonsato qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama oo ay shuruudu ahayd in dalka koowaad ee aqoonsada JSL uu noqdo Afrikaan. “Arrintani (isfahamka Somaliland iyo Itoobiya) wuxuu war farxad leh u yahay Dawladnimada Somaliland iyo dadkeeda. Haddii aan ahay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda UK mar walba way ii caddayd in aanu aqoonsan doono madax-bannaanida Somaliland xiliga uu ictiraafo waddan Afrikaan ahi. Waxaan rajaynayaa in imika UK ku dhaqaaqi doonto Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Zac Goldsmith oo qoraal ku baahiyay bartiisa X (Twitter).