Dawo U Fiican Xanuunka Gaaska Oo 7 Maalmood Gudahood Waxtarkeeda La Arko

0
211

Qormadeena labaad ee Todobaadkan, Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa, dawo u fiican xanuunka Gaaska oo bulshadeena dhibaato badan ku haya, taasi oo uu qofku ku dareemi doono mudo yar caafimaad iyo waxtar muuqda.

Intan aynaan daawada u galin sharaxaadeeda waxa aynu wax yar is xasuusinaynaa xanuunka Gaaska iyo siyaabaha uu saamaynta ugu yeesho caafimaadka qofka, waxyaabaha keena Gaaska, waxyaabaha lagu dawayn karo ama lagula tacaali karo, si qofku uga nasto xanuunkiisa joogtanad ah.

Gaastirigu waxa uu ka mid yahay xanuunada ugu badan ee ku dhaca dheefshiidka.

Caloosha ayaa ka kooban qaab dhismeedyo kala duwan, waxaana caabuqa uu saameeyaa xuubka caloosha ku dahaaran oo eebe ugu tala galay xifdinta unugyada caloosha,. Xuubkaan ayaa ah midka ugu khafiifsan marka loo eego qaab dhismeedyada kale ee caloosha.

Calaamadaha ugu muhiimsan ee dadka qaba gastiriga ay dareemaan waxaa ka mid ah; caloosha oo xanuun gubasho oo kale ah laga dareemo, xanuunku wuu kala duwanaan karaa isagoo dadka qaarkood ku noqda mid aad u daran, halka dadka qaarna uu u sahlanaado. Mararka qaarkood xanuunka ayaa laga yaabaa inuu hurdada ka soo kiciyo qofka taas oo ku  xidhan hadba xaaladda uu bukaanku ku sugan yahay.

Calaamadaha kale ee gaastiriga waxaa ka mid ah; amateetka oo qofka ka xidhma, yalaalugo ama lalabo, matag, daaco joogto ah iyo xabad xanuun ama laab jeex.

Sababaha ugu badan ee bulshada Soomaalida ku keena gaaska waxaa ka mid ah; bakteeriyada “Helicobacter pylori”, stress-ka iyo walwalka, cunno xumada iyo dawooyinka la iska qaato.

Warbixin lagu daabacay shabakadda Boldsky ee arrimaha caafimaadka ka faalllootada ayaa soo bandhigtay dawo-guri u fiican xanuunka gaastiriga. Hadaba waxa aanu qormadan ku soo gudbinayaa dawadaas dabiiciga ah.

Kijada guryaheenna waxaa inoo yaalla waxyaabo dabiici ah oo dawo iyo ka hortagba u noqon kara cudurro badan. Dawo-gurigan ayaa ka kooban cabitaanka basasha iyo khalka tufaaxa waana labo shay oo si fudud loo heli karo.

Sida ay sheegayso warbixintu ,dawadan ayaa si weyn wax uga tarta xanuunka gaastiriga, natiijadeedana waxaa la dareemi karaa toddobaad gudihiis haddii lala qaato cunno caafimaadka uroon.

Isku-darka cabitaanka basasha iyo khalka tufaaxa waxaa ku badan maadooyinka liddiga ku ah hurka ama lurka kuwaas oo khafiifiya hurka dahaarka caloosha ee keena gaastiriiga, sidaas awgeed, isku-darkani waxa uu yareeyaa calaamadaha gaastiriigga.

Waxaa intaas dheer, isku-darkani waxa uu dheellitiraa heerarka aashitada caloosha si loo yareeyo aashitada iyo laab jeexa:

Sida loo diyaariyo dawo-gurigan:

  • Waxaa loo baahan yahay:
  • Nus koob cabitaanka basasha ah
  • 2 qaaddo oo khalka tufaaxa ah (waa qaadada yar ee shaaha)

Qaabka diyaarinta:

  • Isku dar sharaabka basasha iyo khalka tufaaxa
  • Si fiican iskugu walaaq
  • Isticmaal 2 goor maalintii raashinka kadib

Ka fogow cunnooyinka shiilan, cunnooyinka kulul ee xawaashku uu ku badan yahay iyo cunnooyinka dufanka badan marka aad qaadanayso dawo-gurigan u fiican gaastiriga

Haddaba tijaabi dawadan dabiiciga ah ee uroon gaastiriga, natiijadana la wadaag dadka la dhiban xanuunkan.