Golaha wakiillada JSL oo Jawaab ka bixiyay hadallo ka soo Yeedhay Baarlamaanka Soomaaliya

0
152

Hargeysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay baarlamaanka Soomaaliya, oo sheegtay Somaliland inay ka mid tahay, kana soo horjeestay heshiiska dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya wada galeen.

Xildhibaanada ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ee jawaabta ka bixiyay hadal ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa golaha  wakiillada ka dalbaday inay go’aan gole ka soo saaraan faragelinta qaawan iyo gardarada baarlamaanka Soomaaliya iyo dowladda Muqdisho ku hayaan qarannimada madax bannaanida, dhuleed, badeed ee JSL.

Xildhibaan Maxamed Siciid oo ku hadlay afka xildhibaanada hor keenay mooshinka golaha oo arrimahaasi ka hadalaya.

Waxaa uu yidhi “Anago garowsan madax bannaanida, dhuleed, badeed ee JSL, inay waajib tahay in goluhu ka jawaabo hadalkii ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ah mid ka hor imanaya mabaa’diida caalamiga ah ee aayo ka tashiga JSL.

Mudanayaasha golaha waxaanu u soojeedinayna in ay qaraar gole ku soo saaraan JSL waxa ay xaq u leedahay inay heshiisyo la geli karto dalalka kale iyo shirkaddaha sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah ka Somaliland.

Golaha wakiilladu waxa uu Soomaaliya ugu baaqaya inay faragelinta qaawan ee ay ku hayso Somaliland   ka dayso, waxaanu golaha wakiiladu u qaadanaya inay ku soo xadgudubtay madax bannaanida JSL”

Geesta kale waxa golaha la horkeenay saddexdan mooshin oo ay wadeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu

  1. Mooshin ah inholuhu soosaaro Go’aan Gole oo la xidhiidha Heshiiska Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka ah Ee Ethiopia.
  2. Mooshin ku saabsan xil-gudashada golaha, waxaana shirguddoonku si xeer-hoosaadka waafaqsan ku wareejiya La-taliyaha Sharci Ee Golaha Garyaqaan Cabdiraxaan Hirad Jaamac si uu uga soo talabixiyo.
  3. Sidoo kale waxa golaha lagu hor keenay Xeerka Dakhliga Shidaalka JSL