Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Taliska Booliska oo Kulan ka Yeeshay Ammaanka

0
122

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa taliska guud ee booliska shir kula yeeshay madaxda booliska.

Shirkaas oo lagaga hadlayay xoojinta nabadgelyada, adkaynta amniga, ayay wasiirka ku wehelinayeen taliye Ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Mire, waxaana warbixino  lagaga dhagaystay taliyayaasha, hoggaamada, Taliye qaybeedada iyo  taliye Saldhigyada.

Shirkaasi intii uu socday waxa si qoto-dheer loogaga hadlay xaaladda nabadgalyo ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka muhiimaka ah ee Ciidanka Boolisku qaranka u hayaan.