Safiirka Somaliland ee Dalka Norwey oo soo Dhaweeyay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
130

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Safiirka Somaliland ee Dalka Norwey Danjire  Maxamed Maxamuud Aadan ayaa soo Dhaweeyaay Heshiiska Isfahamka ah Somaliland iyo Itoobiya Wada gaadheen

Amb Maxamed Maxamuud Adan   safiirka Somaliland ee Norwey, ayaa soo dhaweeyay heshiiska is faham ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu sheegay in faa’iido weyni ugu jirto JSL.

Amb Maxamed Maxamuud Aadan ayaa bulshaweynta Somaliland ugu baaqay in la taageero heshiiskaasi, oo uu sheegay in Aqoonsi ay Somaliland ka helayso, si ay aduunyada ula macaamisho, fursadaha dhaqaaluhuna kor u kacaan.

Amb Maxamed ayaa Madaxwaynaha iyo weftigii la socday ku boggaadiyay guusha ay soo hooyeen ee ah in dalkan uu helo wixii uu madada badan ku taamayay oo ah Aqoonsi caalami ah.

Ambassator Maxamed, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid albaabo badan u furaya Somaliland, kaasi oo ay dalka Itoobiya iska kaashan doonaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Waxbarashada, Amniga, dhaqaalaha, Caafimaadka iyo in ay shacabka Somaliland u fududaato inay Baasaboorkooda ugu safraan meelo badan oo dunida ah.