Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka oo Cisbitaal la dhigay iyo Biden oo aan Ogayn

0
225

Maamulka Biden looma sheegin maalmo in Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin la dhigay cisbitaal, ugu yaraan hal sarkaal ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka.

Lloyd Austin, oo 70 jir ah, ayaa la dhigey Xarunta Caafimaadka ee Walter Reed Isniintii sababo la xidhiidha qalliin lagu sameeyay kadib.

Sarkaal ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CBS, in Aqalka Cad aan lagu wargelin arrintan illaa ugu yaraan subaxnimadii Khamiista.

Mr Austin wuxuu aqbalay masโ€™uuliyadda isgaadhsiin laโ€™aanta.

โ€œWaan garwaaqsanahay in aan qaban karayay shaqo ka wanaagsan sidii aan u hubin lahaa in dadweynaha si habboon loogu wargaliyo,โ€ ayuu ku yidhi hadal uu soo saaray.

โ€œWaxaan ballan qaadayaa inaan sidan wax ka sii wanaajin doono,โ€ ayuu yidhi.