Faa’iidada Ay Leedahay In La Cuno Xabbad Moos Ah Habeenkii Hurdada Ka Hor

0
84

Qormadeena labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu Todobaadkan ku soo qaadanaynaa, faa’iidooyinka caafimaad ee uu qofku ka helayo haddii uu isticmaalo marka uu sii seexanayo habeenkii hal xabo oo Muus ah iyo wax ay u tarayso caafimaadkiisa guud ahaan.

 

Inta aynu ku jirno qormadeena labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu wax badan ka ogaan doonaa muxuu qofku caafimaad ahaan ka helayaa haddii uu cuno Muus ka hor inta aanu seexan habeenkii, sidoo kale waxa aynu sharixi doonaa inta aynu ku jirno Qormadeenan labaad Macdahana iyo Fiitamiinada laga helo cunista Muusk aiyo waxtarka ay jidhka iyo caafimaadka qofka u leeyihiin.

 

Haddaba Muuska waa faakiho ama khudrad macaan oo caafimaad badan laga helo, waxaa ka buuxo macdanaha kala ah potassium iyo magnesium, waxaa kaloo ku jira vitamin B6 iyo vitamin C.

Muusku waxa uu wanaagsan yahay hurdada waxaa ku jira macdano iyo fitamiinno wanaajiya tayada hurdada laga rabo inuu qofku seexdo.

Muusku waxaa uu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas darteed qofka waxa uu ka ilaaliya inuu gaajo la soo tooso habeenkii.

Magnesium-ta, potassium-ta iyo vitamin B6-ka ku jiro muuska waxay qofka ka caawiyaan inuu hurdo fiican seexdo habeenkii.

Murqo xanuunku wuxuu ka mid yahay calaamadaha lagu garto potassium yarida wuxuuna ku badan yahay haweenka uurka leh. Potassium-tu waxay dejisaa murqo xanuunka taas oo ka qeyb qaadata in qofku uu helo hurdo wanaagsan.

Cunnada ay ku badan tahay magnesium sida muuska waxay hoos dhigaan heerka stress-ka iyo walwalka. Walwalku waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee keena hurdo la’aanta.

Macdanta magnesium waxay dejisaa maskaxda waxayna caawisaa hurdada.

Vitamin B6-ka ku jira mooska wuxuu ka gacan ka geystaa in jirku soo daayo hormoonka melatonin oo qaabilsan hurdada.

Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada Fiber-ta taasoo calool istaagga ka hortagta, dheefshiidkana uroon. Wuxuu kaloo Moosku dejiyaa laab-jeexa.

Cunnooyinka hurdada u daran ee ay tahay in habeenkii aan lagu casheynin waxaa ka mid ah:

  • Pizza-da
  • Kafeega ama bunka
  • Macmacaanka sida xalwada
  • Cunnada basbaaska iyo filfisha leh.
  • Hilibka badan iyo cunnada dufanku ku badan yahay sida beegerrada
  • Shukulaatada
  • Cabbitaannada aashitada leh (Soda)