Wefti Ka Socday Wasaaradda Caafimaadka Iyo Hay’adda Taiwan ICDF oo Kormeeray Cisbitaalka Burco Qormo Caafimaad oo Todobaadle ah,taasi oo Lagu Gorfeeyo Arrimaha Caafimaadka iyo guulaha iyo baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaanada dalka

0
78

Todobaadkan Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waa aynu ku soo qaadanaynaa masuuliyiinta waaxda adeega caafimaadka iyo Cisbitaalada ee wasaaradda Caafimaadka JSL oo ay weheliyaan hormoodka Hay’adda Taiwan ICDF oo kormeeray CisbiotaalkA Burco, kaasi oo ujeedadu ahayd qiimaynta nidaamka maaraynta macluumaadka caafimaad ee Cisbitaalada dalka oo dhawaan laga hirgaliyay Cisbitaalka Burco.

Mashruuca Nidaamka Maaraynta Macluumaadka Caafimaad ee Cisbitaalada dalka ayaa waxa iska kaashaday wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Taiwan ICDF iyo Cisbitaalka Koahsiung Medical Iniversity Hospital oo ku yaala dalka Taiwan.

Mashruuca nidaamka maaraynta Macluumaadka caafimaad ee Cisbitaalada dalka ayaa ah mashruuc aad muhiim ugu ah dhammaan Cisbitaalada dalka, kaasi oo lagu kaydinayo xogta cisbitaal kasta si loo ogaado Tayada iyo waxqabadka cisbitaal kasta.

Haddaba Waftigan ayaa waxa hor kacayay Agaasime ku xigeenka waaxda adeega caafimaadka iyo Cisbitaalka Cabdiqani Xassan ayaa kormeerka qiimayn iyo qorshayn isugu jira ku tagay Cusbitaalka Burco.

Waftigan oo isugu jira xubno ka socda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda Taiwan ICDF ayaa si wada jira u Booqday Cusbitaalka Burco oo sanadkan laga hirgaliyay mashruuca Nidaamka maaraynta macluumaadka caafimaadka.

U jeedada safarkan ayaa daarnaa:

1:Qiimaynta iyo qorshaynta qaybaha (goobaha) laga Hirgalinayo Systemka ee Cusbitaalka Burco.

2- xog-siinta iyo war-galinta Agaasimaha cusub ee Burco.

3- Sidoo kale siinta shahaadooyin, 10 xubnod oo dhamaaystay tababarka Nidaamka maaraynta macluumaadka caafimaadka.

4- iyo sidoo kale Naqshadaynta isku xidhka qaybaha Cusbitaalka ee laga hirgaliyay Nidaamkan.

Waftigan ayaa waxaa halkaa ku qaabilay Agaasimaha Cusbitaalka Burco Dr Cabdirahman Axmed, agaasimaha ayaa uga warbixiyey shaqada iyo adeega muhiimka ee Cisbitaalku u fidiyo Bulshada ku xeeran ee gobolka Togdheer.

Waftiga ayaa waxaa qaybka ahaa Maareeyaha (Manager) mashruuca Mr. Mario lin oo isna halkaa kaga warbixiyey muhiida Nidaamka iyo sida ay ugu farax sanyihiin wada-shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waftiga ayaa intaa kabacdi waxaa uu qiimayn iyo indho indhayn uu kusameeyey guud ahaan Cisbitaalka Burco, gaar ahaa qaybaha laga hirgalinayo Nidaamkan maaraynta macluumaadka caafimaadka.

Ugu dambayntii Masuuliyiinta mashruuca ayaa siwada jira u gudoonsiiyay shahaadooyinkii xubnihii tababarka qaatay oo isugu jiray Dhakhaatiir, kalkaalisooyin iyo waliba xubno ka mida maamulka Cisbitaalka.