Ciidanka qaranka oo beeniyay hadalo ka soo yeedhay askari ka tirsan guutadda 10aad

0
122

Hargeysa(Dawan)Taliska  Ciidanka  qaranka Somaliland  ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay  Askari ka tirsan Guutada 10aad  ee  Ciidanka qaranka  Dable Cabdishuur Khadar.

Khadar  Jaamac   Maxamed  oo ku  hadlayay afka  Ciidanka qaranka Somaliland  ayaa    sheegay in  askarigaasi u xidhanyahay  dambi ah   Ilmoyar oo uu  jiidhay gaadhi uu  watay,isla,markaaana aanay waxba ka  jirin  hadalada ka soo yeedhay.

Khadar  Jaamac   oo Arimahaasi ka  hadlayayna.Waxa uu yidhi”Aniga  oo  ah   Khadar  Jaamac   Maxamed  oo ku  hadlaya afka  Ciidanka qaranka Somaliland kana  tirsan Xafiiska  Taliyaha   Ciidanka waxaa baraha bushada  (Social   Media) lagu   arkayay askari Cabdishakuur Khadar la yidhaahdo  oo  leh  magaranayo waxa aan u xidhanahay.waxaana  uu u xidhanyahay dambi uu gaystay,isaga wata  gaadhi  bareefad ah oo uu leeyahay  ayaa  waxa uu jiidhay  ilmo  yar oo  uu  shil ku  galay.waxa la soo hadlay  Gaashaanle sarre  Cabdiwarsame  oo  habeen  kaas  heeganka ku  jiray   qaybta   taraafiga   bariga Hargeysa  waxa  uu la  soo   wadaagay   in  askari ka  tirsan  guutadda 10aad uu  xidhanyahay.askariga   Cabdishakuur Khadar oo  ka tirsan guutadda   10aad  waxaana  la  keenay taliska   guud ee  Ciidanka  qaranka.waana la  xidhay qofkii dhaawaca  ahaaana waxa  la  geeyay  dhakhtar,”.

Sidoo kale Khadar  Jaamac  ayaa  waxa uu tilmaamay in   Askariga  iyo  qofka shacabka ah sharciga   qabanayo.Waxaana uu yidhi”Waxaana uu ilawsanyahay  in askariga aanu  sharcigu  qaban  karin  qofka  shacabka ah iyo  askariga   sharciga ayaa  qabta,qofka  uu  jiidhayna  cadaalad ayuu  u baahanyahay waxaana uu u  xidhanyahay dambi uu  gaystay,  marka  uu  qofka  jiidhayna waxa uu  ku  jiray  dano   gaara.waxaana Ciidanka qaranka Somaliland ka  madaxbanaanyahay  Siyaasad  iyo  dano  gaara  waxaana askarigaa  looga  sheekeeyay oo la baalmariyay   been  iyo   barobagaando aan jirin,”.