Hargeysa: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Haweenay Waxyeello u Geysatay Nin Dhallinyaro ah

0
108

Hargeysa (Dawan) Ciidamada Booliska magaalada Hargeysa, gaar ahaan Saldhiga xaafada Sheekh Nuur, ayaa gacanta ku soo dhigay  eedaysan Hoodo Cabdi Cali Ina Raaxo Xuseen 28jir  oo ku eedaysan inay 26-1-2024 kii xilli Habeenimo ah waxyeello u gaystay Dhibbane Caydaruus  Cali , waxaana falkaa ku wehelinaayay Saddex dumar oo kale oo  Ciidanku ku raad-joogo.

Sidoo kale warbixinta ka soo baxday taliska ciidanka booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay  in Dhibbanaha ay Guri ku balamiyeen isla markaana ay nabaro u gaysatay ,  muuqaalna ka duubay iyagoo baraha bulshada ku faafiyay .

Geesta kale waxa warbixinta lagu xusay in Hawlgallo iyo baadhid dheeriya oo Ciidanka Saldhigaasi sameeyay waxa uu   kusoo qabtay Hal eedaysane ,halka Saddexda kale Ciidanku  ku raad-joogo.

Gaba-gabadii taliska ciidanka boolisku waxa uu sheegay in dhammaantood si deg deg ah loo horgeyn doono sharciga, waxaanu bulshada uga digayaa falalka noocaasa ah ee diinta , dhaqanka iyo anshaxa suubban baal-marsa.