Xukuumadda Somaliland oo soo Bandhigtay Kaalintii Ilhaan Cumar ku Lahayd Dagaalkii Laascaanood

0
127

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali Xasan Maxamed ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay ka mid ahayd jileyaashii kaalinta ku lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada  Laascaanood ee xarunta gobolka Sool bishii December 2022kii.

 

Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter)ka, wuxuuna qoddobeeyay tallaabooyin badan oo gabadhaasi ay ku kala qaybisay Soomaalida. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

 

 

“Maaha markii u horreysay ee Ilhaan Cumar ay cadaawad dhex dhigto Soomaalida.

 

 

 

 

Waxa ay si weyn ugu lug lahayd colaadii ka dhacday Laascaanood Bishii December 2022kii, waxay booqatay Garoowe, halkaasi oo ay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu dusisay war ku wajahnaa shir Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu la yeeshay Guddida Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ay xubin ka ahayd xilligaas. Waxa ay ahayd mid xin iyo xumaato haysay, waxayna ku boorisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay qaadaan tallaabooyin ay kaga gaashamanayaan sida ugu dhakhsaha badan.

 

Bil kadib socdaalkeedii  waxa   bilaabmay dagaalkii Laascaanood ka qarxay. Ilhaan Cumar waa mid ka mid ah jileyaasha cadaawada iyo kala qeybinta dhex dhigay Soomaalida.

Sidaas darteed, waxa la joogaa xilligii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa gefafkeeda.