Laamaha Amniga oo ka wada Hadlay adkaynta Nabadgelyada Caasimada Hargeysa

0
132

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir-gudoomiyey kulan ku saabsan amniga Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulankaas waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Caasimada iyo laamaha amniga ee Caasimada, sidoo kalena waxaa ka soo qaybgalay kulankan Maayor Kuxigeenka Caasimada Hargeysa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Masuulinta kale ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Shirkan muhiimka ah mudadii uu socday waxaa lagu Lafa-guray adkaynta iyo kor u qaadista amniga Caasimadda, iyadoo warbixino laga dhegaystay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Laamaha kale ee Caasimada. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray Gudoomiyeyaasha Degmooyinka in la adkeeyo amniga Caasimadda, sidoo kalena ay laba laabaan dedaalkooda ku saabsan amniga.