Ururka Midowga Suxufiyiinta Iyo Sharci-yaqaannada Afrika oo Taageeray Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

0
142

Hargeysa(Dawan)-Ururka  Midowga Suxufiyiinta  iyo Sharciy-yaqaannada Afrika ee loo soo gaabiyo  ANA ayaa ugu baaqay waddamada ku midaysan ururka Midawga Afrika in ay aqoonsadaan Somaliland,madaama oo ay hore xoriyadeeda uga qaadatay dalka Ingiriiska,midawgii  ay shacabkeedu ku  khasaareen ee ay la gashay Soomaaliya-na ay dib xorriyadeedii ugala soo noqotay 1991-kii.

 

Qoraal uu ururku soo saaray oo uu ku saxeexna xoghayaha guud ee  ururka ANA  Bekki Benameur  ayaa lagu sheegay in ururka Midawga  Afrika uu u taagan yahay rabitaanka  dadka Afrika,isaga oo hore u maamulay rabitaanka qaar kamid ah dadkaas,gaar Ahaana dhinaca madaxbannaanida,waxa aannu tusaale u soo qaatay  shacabka reer Eritrea iyo Koonfurta Suudaan oo uu sheegay in loo ogolaaday rabitaankoodii madaxbanaaniyayeed,iyada oo shacabka labada dal laga  aqbalay in ay helaan laba dal oo madaxbanaan,si shuruud la ‘aan ah.

Labada dal iyo shacabka ku nool ayaa  lagu sheegay qoraalkan uu soo saaray ururka Midawga Suxufiyiinta iyo sharci-yaqaanada  Afrika ee  ANA in ay  Midawga Afrika ku soo kordhiyeen muhiimad weyn,iyaga oo door weyn ka  qaatay shaqada ururka Midawga  Afrika.

Midawga Afrika ayay sheegeen in aanu weli istiraatijiyad muhiim ah ka qaadan arrimaha Geeska  Afrika,gaar Ahaanna  arrimaha Somaliland oo ay sheegeen in ay la yaab tahay in Midawga Afrika ka aamuso.

Doonitaanka madaxbanaaniyayeed ee shacabka Somaliland ayay sheegeen in aanay ahayn mid cusub,iyaga oo cadeeyay in  1991 ay dawladda Somaliland iyo shacabkeedu ay qirteen doonitaankooda sharciyeed.

Qoraalkan ay soo saareen saxafiyiinta iyo sharciyaqaanada Afrika ayaa sida oo kale lagu sheegay in wixii ka dambeeyay 1991-kii ay shacabka Somaliland ku naaloonayeen dastuur u gaar ah,dhul xuduudihiisa leh iyo caalamka oo ay  la macaamilayeen.

Qoddobka inta badan Midawga Afrika ay waddamada qaar kula wareegaan ee ah in ay Somaliland goosanayso ayay ku sheegeen in uu yahay mid dan gaar ah laga leeyahay,waxa aanay u soo jeediyeen Midawga Afrika in ay baadhitaan ku sameeyaan taariikhda iyo xaqiiqda Somaliland,si loo xaliyo dhibaatooyinka ka jira  Geeska Afrika,nabadgelyada iyo xasiloonida Afrika iyo ta gobolkana looga dhigo mid sugan.

 

Heshiikii is fahan ee dhex maray dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayay ku tilmaameen mid nabadgeleyo,xasillooni iyo hor-u-mar u soo hoyn doona waddamada Afrika,gaar ahaanna waddamada Geeska Afrika.

Ururka Midawga Suxufiyiinta iyo sharciyaqaanada Afrika waxa uu u soo jeediyay waddamo uu sheegay in ay dagaal iyo xasillooni darro ka waddaan gobolka Geeska Afrika in aanay gobolka gelin khilaaf,gaar ahaanna Somaliland oo ay sheegeen in ay tahay waddan kamid ah waddamada ugu xasilloon,uguna nabada badan.

Sida oo kale,Ururka Midawga Suxufiyiinta iyo Sharciyagaanaqada Afrika ee ANA  waxa uu Midawga Afrika u soo jeediyay in uu difaaco heshiiskan madax-banaanida ku dhisan oo ay tilmaameen in uu Meesha ka saarayo khilaafaadkii iyo dhibaatooyinkii taariikhiga ahaa ee gobolka Geeska Afrika,isaga oo ka dhigaaya qaaradda sida ay sheegeen meel u jihaysata heshiisyo diblomaasiyadeed oo firfircoon iyo xaalado siyaasadeed oo dan u ah qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kaleba.