Shir-guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland oo Heshiis ka Gaadhay Khilaafkii Xeerka Doorashooyinka

0
139

Hargeysa (Dawan) Shir-gudoonka Golaha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in xal laga gaadhay murankii sharci ee u dhaxeeyay Golaha Guurtida iyo Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ka dhashay xeerarka Doorashooyinka qaranka.

Kulamo is daba joog ahaa oo ay labada gole ay ka dhex wadeen guddi Xildhibaano ah oo ka kooban Guurtida iyo Wakiillada kaasi oo ay xal ugu raadinayeen muranka sharci ee ka dhex taagnaa golaha Baarlamaanka ayaa maanta lagu so af-meeray, waxaana la isla qaatay in murankaasi dhammaaday.

Gudoomiyayaasha Golaha Guurtida iyo Wakiillada oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu dhammaaday khilaafkii sharci ee dhex yaalay golaha xeer dejinta, waxaanay bulshada ugu baaqeen in murankaasi dhamaaday.

Gudoomiyayaasha labada gole ayaa sheegay in la isku af-gartay in laga heshiiyo murankaasi sharci ee wakhtiyadan danbe dhex yaalay golaha xeer dejinta.

Xildhibaanadii is xilqaamay ee waan waanta maalmahan ka dhex waday shir-gudoonka iyo goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa iyaguna sheegay sheegay inay xal u heleen murankii jiray waxaanay bulshada ku ugu bushaareeyeen in khilaafkii Baarlamaanka ka dhex jiray uu soo dhammaaday is faham iyo is af-garad buuxana laga gaadhay.

Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada Jamahuuriyadda Soamliland ayaa soo saaray 10 Qodob oo sal u ah heshiiska laga gaadhay muranka sharci ee ka dhashay xeerarka isa-saarka Doorashooyinka Qaranka uu in muddo ah ay ku muran sanaayeen goeyaasha Guurtida iyo Wakiilladu.

Qodobada heshiiska ah ee salka u ah is fahamka muranka sharci ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa u dhigan sida tan:-

1: In Golaha Guurtidu ay dib ugu celiyaan Madaxwaynaha wax ka badelka Xeer Lr.91/2023 iyo Xeer Lr. 14/2023.

2: Madaxwaynuhu waa inuu ku soo celiyo wax ka badelka Xeer Lr.91/2023 iyo Xeer Lr.14/2023 golaha Wakiillada sida ugu dhakhsaha badan.

3: Haddii Madaxwaynuhu ku soo celiyo labada Xeer Golaha Wakiillada, waxa Golaha Wakiilladu u gudbinayaan Golaha Guurtida mudo sadex maalmood gudahood ah laga bilaabo taariikhda uu Madaxwaynuhu u soo gudbiyay.

4: Golaha Guurtidu waxa uu labada Xeer kaga soo jawaabayaa mudo 10 maalmood ah gudahood oo ka bilaabanta maalinta uu Golaha Wakiilladu u soo gudbiyo Shir0gudoonka Golaha Guurtida, Golaha Guurtidu waxa u uku celinyaa Golaha Wakiillada siu u ugu gudbiyo Madaxwaynaha.

5: In labada gole sida dhakhsaha badan u samaystaan xeer hoosaad ay ku maamulaan nidaamka xeer dejinta.

6: Heshiiskan waxa lagu dhaqayaa waxa ka badelka Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixiyaha, Xeer Lr.91/2023 iyo wax ka badelka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasada, Xeer Lr. 14/2023.

7: In aan labada gole la fasaxin karin ilaa inta uu dhamaanayo wax ka badelka Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixinta Xeer Lr.91/2023 iyo wax ka badelka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasada Xeer Lr.12/2023.

8: In Doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyadda iyo tartanka ururada/Xisbiyada la qabto November 2024.

9: In laga noqday oo meesha laga saaray dhammaan waraaqihii ku saabsanaa labada xeer ee ka soo kala baxay Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada, maadaama oo laga heshiiyay khilaafkii.

10: Waxa lagu heshiiyay in si wada jir ah labada dhinac ee goleyaashu ay kala kulmaan Madaxwaynaha heshiiskan ah soo afjarista khilaafkan.

 

Waxay labada gole ay Madaxwaynaha Somaliland u soo jeedinayaan inuu tixgellin siiyo is-afgaradkan si loo xaliyo khilaafka siyaasiga ah ee soo noq-noqday, lana qaado dariiq lagu gaadhi karo wada jir iyo midnimo ummadeed, ayaa lagu soo gunaanaday war murtiyeedan ay sida wada jirka ah u soo saareen gudoomiyayaasha Guurtida iyo Wakiillagu.

Sidoo kale Qodobadan heshiis ee lagu so af-meeray murankii sharci ee jiraya ayaa waxa iyaguna ku saxeexnaa Xildhibaanadii dhex dhexaadinta ka dhex waday labada gole.