Astaamaha Walaalaha Iyo Sifooyinkooda!

0
133

Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu qeexay Xikamadu inay tahay shayga oo halkiisa ku haboon la dhigo.  Waxa kale oo la yidhi “Waa arrin in loo qabto sidii ugu fiicnayd iyo wakhtigii ku haboona” Waxa kale oo la yidhi waa “ Waa dabeecada wanaagsan iyo go’aan qaadasho fiican”.

Nin xakiim ayaa ayaa wiil uu dhalay isagoo waaninaya ku yidhi “Wiilkaygiiyow haddii aad doonayso inaad nin la saaxiibto ka cadhaysii, haddii uu naftiisa hanto la saaxiib, haddii uu is hayn kari waayo ka digtoonow oo ha u dhowaan”

Falylasuufkii Sokheret ayaa la weydiiyay maalin “ Maxay kuugu doorteen ninkii ugu xikmadda badanaa Giriigu “? Waxaana uu ku jawaabay “ Maxaa yeelay waxaan ahay ninka keliya ee og in aanu waxba aqoon”.

Nin Xakiim ah ayaa yidhi “ Walaaluhu waa saddex, mid sida raashinka ah oo aad mar kasta u baahan tahay, mid sida dawada ah oo wakhtiga xanuunka aad uu bahaato iyo mid xun oo aanad weligaa u baahan” Noqo kan wakhti kasta loo baahan yahay.