Guurtida oo Sabtida u Balamay Ansixinta Xeerar Muhiim u ah

0
124

Hargaysa (Dawan) Golaha Guurida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u balamay maalinta Sabtida ah ee Todobaadka food inagu soo haya ansixinta xeerar muhiim u ah, kuwaasi oo khuseeya Ciidamada dalka.

Fadhigii golaha guurtida Somaliland ee shalay oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaasina loo balan sanaa in la ansixiyo xeerka Ciidanka Dab-damiska iyo Samata-bixinta Xeer Lr.106 2023-ka ee Somaliland ayaa dib loo dhigay, kadib markii guddidii loo saaray ay soo jeediyeen in ay u hadhsan yihiin cida uu khuseeyo xeerku si ay wax uga waydiiyaan, waxaanay codsadeen in la siiyo ilaa maalinta Sabtida ah ee Todobaadka danbe.

Sidoo kale Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa gacanta ku haya Xeerka Ciidanka Qaranka Xeer Lr.105 2023-ka oo ay hayeen in muddo ah isla markaasi loo balansanaa in la ansixiyo Sabtida, balse dib ugu dhacay xeerka Ciidanka Dab-demiska dartii.

Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa mudanayaasha ku wargaliyay inay u soo diyaar garoobaan maalinta Sabti ah in la meel mariyo Xeerka Ciidanka Dab-demiska iyo Samata-bixinta iyo Xeerka Ciidanka Qaranka oo isna la bilaabi doono ka doodistiisa.