“Waxa Naga Go’aan in aanu Darab Jarno Gudniinka Hablaha” Agaasimaha Wasaaradda Shaqada

0
148

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Axmed Xasan Aw Aadan ayaa sheegay in ka wasaaradd ahaan ay ka go.an tahay inay dabar jaraan gudniinka hablaha.

Agaasimaha ayaa sheegay in dedaalo badan oo la sameeyay kor loogu qaaday wadciga bulshada ee ku aadan gudniinka Hablaha, sidoo kalena la sameeyay Siyaasadii gudniinka Gabdhaha oo uu sheegay in ay hortaalo golaha wasiiradda Somaliland.

Agaasimaha ayaa xusay in ay jirtay wakhtiyo ay adkayd in la soo hadal qaado wax ka qabashada gudniinka hablaha sababa la xidhiidha dhaqankeena iyo fahamka bulshadu ay ka haysatay wax yeeladiisa oo koobnayd.

Agaasimaha Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ayaa sheegay in ay ka wasaarada ahaan ay ku mashquul sanaayeen 10 sano ee u danbeeyay sidii bulshada looga wacyigalin lahaa dhibka gudniinka fircooniga ah ee hablaha oo ay kaashanayeen Culimada, dhalinyaradda, Xildhibaanada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada si kor loogu qaado fahamka dhibaatada uu leeyahay gudniinka habluhu waxaanu yidhi

“Waxa naga go,an in la yareeyo, meesha laga saaro qof kastaaba uu fahamkiisa kor-u-qaado iyo in la soo saaro siyaasadii gudniinka gabdhaha, sidoo kale la dhamaystiro xeerkii gudniinka kaasi oo imika qabyo qoraal ah.

Gudniinku waa mushkilad caafimaad mid dhaqaale mid waxbarsho iyo mid qoys, waxanu soo jeedinaynaa in aynu dhinac uga soo wada jeedsano sidii aynu u yarayn lahayn, dawladuna ha noqoto ta hoggaanka qaadanaysa”.

Agaasimaha Wasaaradda ayaa sidan ka sheegay xuska maalinta gudniinka hablaha oo Hargaysa lagu qabtay, kaasi oo ay qaban qaabiyeen wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada iyo Qoysku.