“Haddii aad Lacagta soo Bixinweydo Wiilkaaga Magafe kale Ayaan ka Iibinayaa ayuu igu yidhi” Hooyo Faadumo

0
136

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Hooyo Faadumo Maxamed Axmed, waxa ay la ooyaysaa dhibaatada ka haysata wiilkeedii oo uu naxariis laawaha Magafuhu u sheegay inuu iibinayo haddii lacagta uu ku amray ay soo bixin waydo, taasi oo uu sheegay inuu ka iibinayo Magafe kale oo si xun u jidh dila ilaa inta ay lacagta ka bixinayo ama uu ka dhimanayo.

Hooyo Faadumo waxa ay sheegtay inuu hadda willkeeda oo 15 jir ahi uu ka maqan yahay muddo sagaal bilood ah halkaasi oo uu gacanta ugu jiro rag liibiyaan ah oo ka baayac mushtareeya nolosha da’ yarta Soomaalida nafahooda haligaya.

Hooyo Faadumo waa madi aan cidi la dhalan, hooyadeena ay kelideed dhashay, kaasi oo ay kala tageen aabihii dhalay wiilka gacanta ugu jira arxan laawayaasha Magafaha, waxa ay sheegtay inay xanuuno la soo darseen intii uu wiilkeedu u xidhnaa liibiyaanka taasi oo ka dhaxashay in xididada madaxa qaar is taabtaa isla markaasina ay koomo gasho muddo maalmo ah.

Hooyo Faadumo ayaa sheegtay in haddii maanta ay Somaliland ka jiri lahayd meel xubnaha jidhka lagu iibiyo ay ilmadeeda u iibin lahayd xubnaha jidhkeeda ugu mihiimsan sida Kelyaha iyo Beerka

Hooyadan Magafuhu waxa u uku xujeeyay inay bixiso lacag qadarkeedu dhan yahay 9000 oo dollar haddii ay bixin waydana waxa uu u sheegay inuu iibsanayo wiilkeeda, dhammaan ummadda Muslimiinta iyo Soomaalida meel kasta oo ay joogaan waxa ay si naxariis leh uga codsanaysa in laga taareego lacagtaasi si ay meesha uga saarto wiilkeeda.

“Meelkasta waan maray lacag aan waayay oo sagaal kun oo dollara ayuu wiilkaygii u maqan yahay, hooyo waxaan ahay dhibaataysan, dhibaatadu saameysay xannuun ku keentay, neerfa xannuun ku keentay, daqiiqad daqiiqad koomo u galaysa.

Malihi walaal itaageera oo hooyaday kaligey ayay idhashay, ILLAAHEY dartii walaal ii soocaawiya, maqnaanshiyihiisu saameyn weyn ayay igu yeelatay, oo waata aad i arkaysaan, xaaladiisu aad ayay u xun tahay, jidhkoodhan ayaa dhacdhacay.

Maanta haddii la i yidhaahdo Kelidaada u saar waan u saarilahaa, haddii la igu yidhaahdo darbigaa u jiidh waan u jiidhilahaa, walaal garab ayaan idiiinka baahanahay.

24 saac maqal iyo muuqaal ayay igu tusaan iyaga oo sidaas ugu joog joogsanaya, oo ilmihii sidaas u qaylinayo, mararka qaar ayaan miyir doorsooma, habeena waa ii habeen maalina waa iimaalin, sababto ah maba seexdo, hurdo maseexdo, maanta naftaydii ayaa khatar ku suganba, walaal ilmahaa’yar Magafaha haysta hala’igala saaro.

Lacagta la iga doonaya jeebkaygana kuma jirto mid xigaalkayna kuma jirto, haddii Somaliland ay leedahay meel lagu iibiyo xubnaha bini’aadamka ee mihiimka ah Beerkayga ayaan u iibinlahaa,”

Hooyadan tahriibta wiilkeedu caafimaad la’aanta ku rideen waxay inooga