Ku dhowaad 100 Askari oo ka tirsan Ilaalada Xuduudka Myanmar ayaa u cararay Bangaladesh

0
168

Ugu yaraan 95 askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada xudduudaha Myanmar ayaa u qaxay dalka Bangaladesh si ay uga baxsadaan dagaalka isa soo taraya ee u dhaxeeya ciidamada Milateriga ah ee Myanmar iyo xoogaga fallaagada, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ilaalada xadka Bangladesh.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadani ay ka soo gudbeen xadka si ay uga cararaan dagaaladii maalmihii la soo dhaafay dhexmarayay ciidamada dowladda iyo kuwa Arakaan ee diidan xukunka Milateriga. Iska horimaadka ayaa ka dhacay gobolka Rakhine oo xuduud la leh Bangladesh. Maamulka Myanmar weli kamay hadlin.

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF, ayaa sheegtay Axadii in 17 bukaan ay ku aragtay Bangladesh, ka dib dagaalkii ka dhacay xadka. “Dhammaan bukaannada waxaa soo gaadhay dhaawacyo rasaas ah,” MSF ayaa tidhi. Laba ka mid ah bukaannada ayaa dhaawacoodu halis ahaa, halka shan kalena ay dhaawacyada soo gaadhay ahaayeen kuwo culus.

Sannadkii 2017-kii, ku dhawaad ​​hal milyan oo Rohingya ah, oo ah muslimiin laga tirada badan yahay oo ku noolaa Myanmar, ayaa lagu qasbay inay qaxaan, sababta oo ah hawl-gallo ba’an oo militerigu kula kacay.

Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa hadda ku nool xero qaxooti wwaweyn oo ku taal Bangladesh.

Saraakiisha ayaa Isniintii sheegay in rasaasta iyo madaafiicda dagaalka Myanmar ay ku dhaceen Bangaladesh ayna ku dhinteen ugu yaraan laba qof.