Madaxweynaha Hungary ayaa isu Casishay Buuq ka Dhashay Cafis ay u Fidisay Nin ku Xadgudbay Caruur

0
157

 

Madaxwaynihii muxaafidka ah ee Hungary ayaa is casishay Sabtidii iyada oo ay dadweynuhu ka qayliyeen cafis ay u fidisay nin lagu helay in uu ku lug lahaa kiis fara xumayn caruureed, go’aankaas oo fadeexad siyaasadeed oo aan hore loo arag u horseeday dawladdii ay mudada dheer la soo shaqaynaysay.

Katalin Novak, oo 46 jir ah, ayaa fariin telefishinka laga sii daayay ku shaacisay inay ka tagayso xilka madaxtinimada, oo ay haysay tan iyo 2022. Go’aankeeda ayaa yimid ka dib in ka badan toddobaad oo ay dadweynuhu hadal hayeen kana cadhoodeen cafis madaxweyne oo ay soo saartay bishii April. 2023 oo ay u fidisay nin lagu helay in uu ku qariyay xad gudubyo badan oo caruureed oo uu ka sameeyey guri caruureed oo dawladu maamusho.

“Waxaan soo saaray cafis kaas oo jahawareer iyo qalalaase u horseeday dad badan,” “Waxaan sameeyay khalad” ayey tidhi Novak Sabtidii.

Iscasilaada Novak ayaa ku timid jahwareer siyaasadeed oo naadir ah oo soo wajahay xisbiga talada qaranka Hungary haya ee Fidesz, kaas oo aqlabiyad dastuuri ah ku xukumayay tan iyo 2010. Intii uu hogaaminayay ra’iisul wasaare Viktor Orban, Fidesz ayaa lagu eedeeyay inuu burburiyay hay’adaha dimuqraadiga iyo ku shubasho nidaamka doorashada iyada oo warbaahintuna xagooda u janjeedho.

Novak, oo xulafo muhiim ah la ah Orban iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Fidesz, waxay soo noqotay wasiirka qoyska ee Hungary oo ay haysay ilaa loo magacaabay madaxweynaha. Waxay hore ugu doodi jirtay qiyamka qoyska iyo ilaalinta carruurta.

Waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Hungary iyo qofkii ugu da’da yaraa ee qabta xafiiska.

Muddo xileedkeeda waxa soo afjaray cafiska ay u fidisay nin lagu xukumay in ka badan 3 sano oo xadhig ah 2018 ka dib markii uu xadgudbayo fara xumayn ah u geystay ugu yaraan 10 carruur ah intii u dhaxaysa 2004 iyo 2016.