Seereyaasha Inta Noo Diiwaan Gashani Waa 52 Seere Sharcigu Wuxuu Siinayaa Inuu Madaxweynuhu…”

0
148

Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxay sanadihii u danbeeyay ku hawlanayd sidii wax looga qaban  lahaa guud ahaanba seereyaasha dalka, dib na loogu soo celin lahaa gacanta dawladda.

Maadaama oo ay seereyaashu door muhiim ah ku leeyihiin nasiinadda dhulka, isla markaana ay dadka xoolo dhaqatada ahi ka aa’iidaystaan xiliyadda Jiilaalka ama abaaraha.

Waxaanay wasaaradda deegaanka Somaliland diiwaan gelisay seereyaashii hore ee dalka ka jiri jiray, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 51 seereyaal ah, oo isugu jira 43 seere daaqsimeed, iyo 8 seere kaymeed.

Waxaanay wasaaradu si rasmi ah u xidhay 4 seere kaymeed, iyo 3 seere daaqsimeed.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa waxtarka seereyaasha, tirada seereyaasha ay wasaaradda deegaanku gacanta ku hayso, iyo muhiimadda noocyadda seereyaasha dalkeena ka jira.

U jeedadda seere daaqsimeedka loo xidho ayaa ah sidii loo heli lahaa, kayd calaf si ay xooluhu ugu baxsadaan xiliyadda adag, sida Jiilaalka, iyo xiliyadda abaaruhu ay dhacaan.

Waxa kaloo loogu tallo galay in Cawska iyo dhirta kale ee waxtarka u leh xoolaha, say u ridaan ama sameeyaan iniinyaha, isla markaana ay u tarmaan.

Iyadoo looga dan leeyahay si ay dib ugu soo noqoto dhirtii ka nabaad guurtay deegaanka.

Sidoo kale seere kaydmeedka ayaa ah meel ay ku badan yihiin dhirta waaweyn, iyo duur joogtu, waana goob loogu tallo galay inuu sanadka oo dhan xidhnaado, haddii aanay iman, baahi keentay in la furo.

Waxa kaloo seereyaasha noocan ah looga faa’iidaystaa hab dalxiis ahaan oo kale.

bilawgii xidhitaanka seereyaashani, waxaa wacyigelin loo sameeyay bulshooyinka degan dhulka ku hareeraysan goobahaasi.

Waxaana laga rarray dhamaanba dadkii deganaa gudaha seereyaasha, waxaana laga mamnuucay in ay soo galaan xooluhu oo ay daaqaan mudadda seeruhu xidhan yahay.

Waxaana la hawl geliyay shaqaale u carbisan hawsha ilaalinta seereyaasha, kuwaasoo gaadh ka haya seere kastaba xiliga uu xidhan yahay.

Qormadeenan waxaynu ku soo qaadan doonaa shaqadii ay wasaaradda Deegaanka Somaliland ka qabatay guud ahaanba seereyaasha dalka.

Hadaba maxay tahay baahida keentay in la xidho seereyaasha, iyo muhiimadda ay leeyihiin. Waxaa arrimahaa sharaxaysa wasiirka Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,  waxaanay tidhi “Guud ahaanba wasaaradu waxay u xil saaran tahay ilaalinta deegaanka, aynu ku nool nahay, ee maalin walba aynu isticmaalno.

Deegaanka ay wasaaradu ilaalintiisa u xil saaran tahay waxaa ka mid ah seereyaasha. Seereyaasha inta noo diiwaan gashani waa 52 seere. Sharcigu wuxuu siinayaa inuu madaxweynuhu cayimo in seereyaal kale lagu kordhin karro, seereyaashii hore ee jiray, iyadoo baahi loo qabo.

Guud ahaanba dalka waxaa ku yaalla 52 seere, kuwaasoo noocyo kala duwan isugu jira. Qaar baa waaweyn, qaarna way yar yar yihiin, iyo kuwo dhexe, intaba way isugu jiraan. Kuwa waaweyn qaar baa ah in ka badan 40KM”.

Wasiir Shukri Baandare, waxa kaloo ay ka warbixisay u jeedadda laga leeyahay xidhista seereyaasha, iyo sidoo kale sida ay seereyaashu ugu kala badan yihiin goboladda dalka.

“Seereyaasha waxaa loogu tallo galay in wakhtiyadda ay adag tahay ee Jiilaalka, in ay ku baxsadaan xooluhu. Goboladda dalkana gobol kastaba way ku yaalaan. Waynu og nahay oo inaga laf-dhabarkeenu waa xoolaha. Seereyaashani imika lama samaynin, ee waxaa la soo sameeyay wakhtiyadii gumaystihii Ingiriiska, kuwaasoo kala ahaa seereyaal, iyo seere-dhawre. Waxaanay ahaayeen seere-dhawreyaashu, qiyaas ahaan ilaa 3KM oo ku xeerran seereyaasha waaweyn” ayay tidhi wasiirku.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidi “Maadaama aynu xoolo dhaqato nahay, oo ay laf-dhabarta nolosheena, iyo dhaqaaleheenuba xoolaha nool ku tiirsan tahay, in la hello dhul ay daaqaan oo la wada leeyahay. Seereyaashaasi oo marka uu roobku da’ayo-na la xidho, marka ay Jiilaal noqoto, ama xiliyadda Xagaaga-na, loo furo”.

Geesta kale mudadii laga shaqaynayay seereyaashani waxaa laga qabtay shaqooyin badan oo muhiim ah, kuwaasoo dib loogu soo celinayo bilicdii, iyo quruxdii ay caanka ku ahaayeen goobahani.

Sida uu sharaxayo Agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa Axmed Ibraahim Warsame, “Seereyaashani waxaa laga qabtay shaqo badan, ama seere kaymeedka ha noqoto, ama seere daaqsimeedka ah, labadaba waxaa lagu sameeyay waxyaabahn lagula dagaalamo nabaad-guurka, ama waxyaabaha lagu ilaaliyo carrada, si looga hor tago xaaluf, iyo nabaad guur ku yimaadda deeraha gudihiisa, si kor loogu qaado waxtarka xili roobaadka” ayuu Axmed Ibraahim Warsame.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Meelaha qaarkoodan waxaa laga sameeyay goobo lagu tarmyo dhirta. Kuwaasoo u jeedadda loogu tallo galay ay tahay, in dib loogu tarmiyo dhirtii hore uga dabar go’day, ama dhirta sii yaraanaysa ee ku taallay seere-kaymeedyadda,  ee wadaniga ahayd, in dib loogu tarmiyo. Afarta seere-kaymeed ee xidhan, mid walba waxaa laga dhex sameeyay  xarun lagu tarmiyo dhirta, si loogu kordhiyo, oo kadibna loogu dhireeyo buurta”.

Seeraha Ban-cawl:

Seere-xiliyeedka Ban-cawl, waa seere xiliyeed uu bedka dhulka uu ku fadhiyaa uu dhan yahay 20KM. kaasoo si joogto loo xidhayay shantii sanadood ee u daneeyay ba. Waxaa isticmaala dadka xoolo dhaqatadda ah ee deegaankaasi. Iyo sidoo kale xoolo dhaqatadda gobolka Togdheer oo dhan.

U jeedadda seerahani loo xidhay ayaa ah in la isticmaalo xiliyadda Jiilaaka, iyo Xagaaga ah, waxaana xiliyadda uu seerahaasi xidhan yahay ka hawl galla, 30 qof oo shaqaale.

Isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer, Siciid Haybe Caydiid, ayaa ka warbixinayay muhiimadda seeraha Ban-cawl, ee gobolka Togdheer.

Waxaanu yidhi “Seeraha Ban-cawl,w axa uu ka mid yahay seereyaasha ugu waaweyn gobolkan Togdheer. Wasaaradda Deregaanka, iyo isbedelka cimiladu waxay fulisaa mashaariic fara badan oo ay ka fuliso goboladda…

Sida ka muuqata Bankii isbedel weyn baa