Xukuumadda oo Fariin u Dirtay Ardayda Danaynaysa Deeqaha Waxbarasho ee Itoobiya Bixisay

0
118

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda waxbrashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa fariin u dirtay ardayda doonaysa inay ka qayb qaataan imtixaan loo galayo Kaalmo waxbarasho oo dalka Itoobiya siiyay Somaliland.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr.Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude), ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu Somaliland siiyay Kaalmo waxbarasho oo dhinaca farsamada gacanta ah, waxaanu ku dheeraaday muhiimad ay farasamada gacantu u leedahay horumarka bulshadeena, isagoo ardayda imtixaanka galaysana kula dardaarmay inay wakhtiga soo ilaaliyaan ayna kusoo talagalaan imtixaan cadaalada

Geesta kale guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka, Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in maalinta Khamiista ee toddobaadkan la geli doono imtixaan la rabo in lagaga mid noqdo ardayda u baxaysa deeq waxbarasho farsamada gacanta oo dowladda Itoobiya siisay Somaliland.

Guddoomiye Daa’uud waxa uu iftiimiyay gobollada dalka sida loogu qaybiyay deeqda farsamada gacanta ee dowladda Itoobiya siisay Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Imtixaanka waxa la qaadi doona 15/2/2024, maalinta Khamiista, ardaykastaana meelkasta oo uu joogo wuu ka soo gaadhikaraa, haddii ALLE yidhaahdo.

Imtixaanka magaalada Hargeysa ayaa lagu qaadaya, ciddii danaynaysa inay ka mid noqoto ardayda farsamada gacanta baranaysa sidaas hawla socdaan.

Qondada ay gobollada dalku kala helana waxay tahay, Maroodijeex 30 arday, Togdheer 15 arday, Saaxil 10 arday, Awdal 10 arday, Sanaag 10 arday, Sool 5 arday, sababtuna waxa weeyi waxa loo eegay tirade ardayda, sida loo kala arday badan yahay ayaanu ku salaynay,”

Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr.Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude), ayaa ku dheeraday faa’idada ay leedahay farsamada gacantu.

Waxaanu yidhi.“Itoobiya ayaanu u codsi u diraynay, sannadkan waxa ay inoo ogolaadeen 80 arday oo farsamada gacanta ah, si gobolladii dalku uga wada dhex muuqdaan gobolkasta waxbaanu u qoondaynay, sida aynu og nahay farsamadu waa aasaaska noloshada bini’aadamka, qofkuna haddii aanu farsamo aqoon noloshiisu way kala dhiman tahay.”