Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirada JSL oo Ansixiyay Qodobo Muhiim ah

0
100

Hargeysa (Dawan) Kulan laba geesooda ah ee ay yeesheen Guddida dhaqaalaha ee golaha wasiiradda Somaliland iyo Guddida farsamo ee dhaqaalaha, ayaa ku ansixiyay qodobo ka soo baxay shirwanihii dhaqaalaha ee sanadkii 2023-ka, kuwaasi oo xudun u ahaa shirkaasi.

Kulanka labada guddi waxa shir guddoomiyay wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaana ka soo qayb galay wasiirada xubnaha ka ah guddiyadan, oo gerfayn dheer kadib isla qatay inay ansixiyaan qodobadii ka soo baxay shirwaynihii dhaqaalaha ee sanadkii 2023-ka.

Kulanka dhexmaray guddiyadan ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda tamarta Somaliland, iyaga oo dhageystay nuxurka warbixintii shirweynaha dhaqaalaha ee sannadkii tagey, waxaaney ku meelmariyeen lix qodob oo udub u dhexaad iyo xudun u ahaa mowduuca shirweynihii dhaqaalaha labaad ee sanadkii tagey.

Qodobadda ay ansixiyeen guddida dhaqaalaha golaha wasiirada Somaliland iyo guddida farsamada dhaqaalaha ayaa kala ahaa.

  1. Ansixinta Warbixinta ka soo baxday Shirwaynaha Madasha Dhaqaalaha 2aad 2023.
  2. Si Guud Ansixinta Mudnaanaha Mashaaricda laqabanayo.
  3. Isku xidhka Mashaaricda iyo Qorshaha Hormarinta Qaranka III

Gebo’gabadii Shirwaynaha Dhaqaalaha Somaliland ayaa waxa la qabtaa sanadkii hal mar kaasi oo lagu gorfeeyo, arrimaha dhaqaalaha ugu waawayn ee dalka yaala iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, kaasi oo maxsuulka ka soo baxa ay dib uga doodaan guddida dhaqaalaha golaha wasiirada Somaliland.