Hoggaamiye dhaqameedka Kenyan ah oo lagu eedeeyay dil 191 carruur ah

0
74

Hoggaamiye dhaqameedka Kenya Paul Mackenzie iyo 29 saaxiibo ah ayaa Talaadadii lagu soo oogay dacwad dil ah oo loo geystay 191 carruur ah oo meydadkooda laga helay in ka badan laba jibaar tiradaas oo lagu aasay meel kayn ah.

Eedeysanayaasha ayaa dhamaantood beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay maxkamad ku taal magaalo xeebeedka Malindi.ย Mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa la ogaaday in uusan maskax ahaan u qalmin in maxkamad la soo taago.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Mackenzie uu xertiisa ku amray in ay naftooda iyo carruurtooda gaajo u dhintaan si ay jannada u galaan ka hor inta aanay dunidu dhamaan.ย In ka badan 400 oo meyd ah ayaa laga soo saaray keynta Shakahola.

Mackenzie ayaa la xiray bishii April ee la soo dhaafay ka dib markii meydadka la bilaabay in la ogaado.ย Waxaa horey loogu soo oogay danbiyo la xidhidha argagixisanimo, dil iyo jirdil.

Waxaa jiray eedeymo kala duwan oo la horkeenay maxkamado kala duwan oo la xidhidha dilka.