Weedh Xusuus Dheer Reebtay

0
78

Gabadh ayaa maalin soo martay miskiin daโ€™ ah oo dawarsanayay , way is taagtay si ay jeebabdeeda lacag uga soo saarto oo wax u siiso. Markii ay gacanta gelisay ayay ka weyday waxayna xuuusatay inay gurigii kaga timi shandadii lacagtu ugu jirtay. Maadama uu sugayay wax loo dhiibo, way ka cudur daaratay waxayna ku tidhi:

โ€œAabo raali iga noqo waxaan ku soo ilaabay lacagtii jeebadayda, laakiin markaan noqdo ee aan soo qaato waan kuu siinaya haddii Allah (sw) ka dhigo.

Odyga dawarsanayay ayaa u jawaaabay gabadha waxaana uu ku yidhiย  โ€œ aadbaad u mahadsan tahay Inantaydiiyeyโ€.. Inanta ayaa aad u yaabtay sababta isagoo farxsan uu sidan u leeyahay isagoo aanay waxba siinโ€. waxayna tidhi dee waxba kuma siin. Laakiin Odayga ayaa ku jawaabay โ€œMarkii aad cudur daarka i siisay waxaaad tidhi โ€œ Aabo, kelmadan kama maqal dadka waxayna aniga igu reebtay xusuus dheer , waana kelmadda ugu qaalisan dhinacayga. โ€œ Kelmadda wanaagsani waa sadaqo.