Xikmadaha Maanta

0
79
  • Haddii aynu koox fiican nahay oo garnayno waxa aan qabanayno midkeena wuu ka waxqabad badnaan karaa 10 ka mid ah kuwo kale.
  • Tartamahaaga ka baro cashar laakiin ha baran ku dayashada.
  • Qofka ka fogaada cabashada iyo calaacalka, farxaduna way usoo dhowaata.
  • Way adag tahay in la samro laakiin in la lumiyo abaalmarinta samirka ayaa ka xun.
  • Dhibaatooyinka noloshu waxay ku barayaan inaad ogaato awoodada qarsoon.
  • Haddii aad cashar ka barato guuldarada hore guushaadu way dhowdahay.
  • Si aad hadafkaaga ugu guuleysato waa inaad leedahay naf hurid iyo maskax ku jihaysan.
  • Doqonku wuu noqon karaa qof maskax badan hadii uu fahmo inuu doqon yahay, laakiin kan maskax badani wuxu isu bedeli karaa doqon hadii uu rumaysto inuu maskax badan yahay.