Arday u Fadhiistay Imtixaan Lagu Soo Xulayo Deeq Waxbarasho oo Itoobiya Siisay Somaliland

0
80

Hargaysa (Dawan) Deeq waxbarasho oo Dawladda Itoobiya siisay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 80 kaalmood oo deeqdaasi ah waxaa imtixaankoodii u fadhiistay dhamaan ardaydii door bidayay inay helaan waxbarashadaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Dr.Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo ay weheliyaan gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka, qaar ka mida agaasime waaxeedada wasaaradda waxbarashada ayaa furay imtixaanka deeqda waxbarasho ee dalka Ethopia.

Ugu horayn Agaasime ku xigeenka waaxda farsamada gacanta Nasra Axmed Aadan ayaa sheegatay in maanta (shalay) ay imtixaanka u fadhiisteen 149 arday kuwaasi oo u tartamaya 80 kaalmood oo ah deeqda waxbarasho ee ay bixisay dawlada Ethopia.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax oo halkaa ka hadlay ayaa dhankiisa ku dheeraaday u jeedada imtixaankan ay ka leedahay wasaaradda waxbarashadu, isagoo ardayda kula taliyay inay ka faa’idaystaan deeqda waxbarasho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Dr.Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) ayaa furay imtixaanka deeqda waxbarasho ee farsamada gacanta isagoo sheegay in wasaaradda waxbarashadu mar walba diyaar u tahay sidii deeqaha waxbarasho si siman loogu qaybin lahaa bulshawaynta reer Somaliland, isagoo ardaydana kula dardaarmay in ay ka faa’idaystaan fursadaha waxbarasho.

Agaasimaha guud ayaa u mahad naqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu balan qaaday inuu bixinaayo dhamaanba kharashaadka ku baxaaya ardayda helay deeqda waxbarasho bilow ilaa dhamaad.