Tababar Kor Loogu Qaadayay Aqoonta Macalimiinta Oo Lagu Soo Xidhay Hargeysa

0
81

Hargeysa (Dawan) Dalladda Al Huda ayaa magaalada Hargeysa ku soo xirtay tababar kor loogu qadayay aqoonta iyo tayada macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalladdu maamusho

Tababarka ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socoto wasarada waxbarshada macalimiinta ka qeyb galay tababarka iyo marti sharaf kale.

Ciise Yuusuf Maxamed guddoomiyaha dallada Al Huda, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada tababarkani.

Waxaanu yidhi “100 macalin ayaa tababar ku qaadanayay kuwaas oo u kala qaybsan macalimiinta Qur’aanka iyo macalimiinta dugsiyada Rowdada, tababarkani waa mid aanu rabno in aanu aqoontooda kor ugu qaadno, waa in wixii la idin baray aad dib ugu celisaan bulshadii aad ka timaadeen, waxa maamulku u eekaada sida culuuntii la baray uu u weeleeyo”

Sidoo kale macalimiintii tababarkan ka qayb qaadayay ayaa sheegay in ay dib ugu celin doonaan dugsiyadii ay ka yimaadeen iyo ardaydii ay waxbarayeen intaba.