Isu’duwaha Caafimaadka Awdal oo Kormeer Qiiman ah ku Soo maray Dhammaan Xarumaha Caafimaad ee Gobolka

0
97

Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa, safar u kuurgal ah oo Isu’duwaha cusub ee Caafimaadka gobolka Awdal uu ku soo maray dhammaan Cisbitaalada iyo xarumaha Hooyada iyo dhallaanka ee gobolka Awdal iyo Salel.

 

Haddaba Kormeerka Isu’duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Awdal Maxamed Cabdi Axmed ee Xarumaha Caafimaadka iyo Cusbitaalada gobolada Awdal iyo Selel.

 

Wafti uu hogaaminayo Isuduwaha cusub ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Awdal Maxamed Cabdi Axmed (Abuwalad) ayaa soo kormeeray 45 xarumaha caafimaadka oo ah Hooyadda iyo dhalaanka iyo 6 cusbitaal oo kuyaala deegannada iyo degmooyinka gobollada Awdal iyo Selel.

 

Waftigan balaadhan ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa isu’duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Selel Maxamed Cali Talan, Madaxda xarumaha Hooyada iyo dhalaanka, madax qaybeedada Heer gobol iyo heer degmo ee labada Gobol, Agaasimaha Cusbitaalka weyn ee Borama, Madaxa Hay’adda WHO ee gobolka Awdal iyo Masuuliyiin kala duwan.

 

Ujeedada kormeerkan ayaa daaranaa u kuurgelida habsami u socodka xaaladaha kala duwan ee Caafimaadka, Dhiirigelinta shaqaalaha jooga goobaha kala duwan ee Cafaamadka, wax ka qabashadda iyo diwaan gelinta baahiyaha ka jira goobaha Caafimaadka ee gobolada Awdal iyo Selel iyo sidoo kale is barashada Isu’duwaha Cusub ee uu dhawaan gobolka usoo magacaabay Wasiirka Wasaardda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xassan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo shaqale weynaha kala duwan ee ka hawl gala dhamaan xarumaha iyo Cusbitaalada gobolada Awdal iyo Selel.

 

Isu’duwaha iyo masuuliyiintii kala duwanaa ee safarka ku wehelinysay ayaa intii ay ku gudo jireen safarkoodan ay ugu kuurgelayaan ogaanshiyaha xaaladaha Caafimaadka ee gobolada Awdal iyo Salal, ayaa kulamo kala duwan la qaatay Shaqaale weynaha ka hawl gala 45-Xarumood oo Hooyada iyo Dhallaanka ah iyo 6-Cusbitaal oo ku yaala labadaa gobol, isagoo sidoo kale ka dhagaystay warbixino kala duwan iyo Xaalada Caafimaadku halay Marayso, baahiyaha jira iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in loo qabto.

 

Isuduwaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan deeganadii ay mareen mudadii Lixdda maalmood ah ee ay safarka ku jireen, isagoo dhankooda ka dhaystay qaabka ay uga faa’idaysteen Xarumahan Caafimaadka, isagoo kula dardaarmay in ay ilaashadan goobahan Caafimaadka ee u adeegaya, lana shaqeeyaan Shaqaalaha Caafimaadka.

 

Wasaaradda Horumarinta Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay ahmiyad gaar ah siisay u kuurgelida habsami u socodka hawlaha shaqo ee ka socda dhamaan gobolada iyo dagmooyinka dalka, iyadoo si dhaw loola soconayay goob kasta oo adeeg Caafimaad u haysa bulshada, si looga war hayo baahi kasta ka jira loona xaliyo.