Dalka Hindiya oo loogu Baaqay inay Aqoonsato Somaliland oo ay Xulufo Noqdaan

0
99

Hargeysa(Dawan)-Taageerada ay Dawladaha iyo madaxda kala duwan ee caalamku u hayaan heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaysa, iyada oo waliba dalal badani ku baaqayaan in aqoonsiga Somaliland oo la soo dedejiyaa fure u yahay xal waara oo loo helo ammaan darrada ka taagan badda cas iyo qoorriga cadmeed ee  imika loo maaro la’yahay.

Degel laga leeyahay dalka Estonia, ayaa toddobaadkan daabacay in aqoonsi la siiyo Somaliland uu horumar iyo amni u horseedi doono mandaqadda bariga Afrika iyo marinka badda cas ee aadka u mashquulka badan.

Degelkan ayaa si gaar ah u soo qaatay in dal weynaha Hindiya aqoonsi uu siiyo Somaliland ay door muhiim ah ka ciyaari karto awoodda ciidamadeeda baddu ay ku ilaalinayaaan galbeedka badweynta Hindiya ee inta badan ganacsiga adduunku maro, kaasoo dhawaanahan halis aan la dafiri karin ay ku hayaan kooxda Xuutiyiintu. Waxaanay warbixibtani intaa ku dartay in Hindiya iyada oo ka faa’iidaysanaysa heshiiskii is-fahan ee dhawaan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland ay aqoonsi u fidiso Somaliland, arrintaasoo kor ugu qaadi doonta danaha dhaqaale iyo kuwa istaraatijiyadeed ee Hindiya ee gobolka bariga Afrika.

Warbixintan ayaa lagu sharraxay in marka la eego taariikhda Somaliland intii ay jirtay ay xeebaheeda ka quusteen budhcad baddeeda iyo argagixisadu taasoo ka dhigaysa meel ku habboon in dalalka sida Hindiya oo kale ay ka ilaashan karaan ganacsigooda maraya badda cas, Somaliland na u noqon karto saaxiib arrintaa kala shaqeeya.

Sidoo kale aqoonsi ay Hindiya siiso Somaliland waxa uu u saamaxayaa in ay Shiinaha kula tartanto geeska Afrika, iyada oo Somaliland tahay dalkii ugu danbeeyay ee xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesha Taiwan.

Hindiya ayaa sidoo kale loogu baaqay in aqoonsiga Somaliland uu ka caawinayo in ay xulafo hoose ka dhex samaysato ururka BRICS ee dhawaan la sameeyay. Ururkan ayaa waxa ku wada jira Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba xidhiidho kala duwan oo marba marka ka danbaysa sii kordhaya la leh Somaliland, sidaa daraaddeedna Hindiya ay halkaa ka samayn karto is-kaashi saddex geesood ah.

Geesta kale guddoomiyaha guddida joogtada ah ee arrimaha dibedda iyo amniga ee golaha Baarlamaanka ee Itoobiya Dima Negewo, ayaa sheegay in dhaqan gelinta heshiiska is-afgarad ee dhex maray Somaliland uu muhiimad u leeyahay horumarka iyo amniga mandaqadda.

Masuulkan ayaa sheegay in heshiiskani aanu muhiim u ahayn oo kaliya labada dhinac balse sidoo kale uu mudnaan u leeyahay amniga gobolka.

Wuxuu intaa ku daray in heshiiskani uu u faa’iidaynayo guud ahaan dunida isaga oo saamayn togan u leh baayac mushtariga caalamka. maadaama oo Somaliland xuddun u tahay ganacsiga caalamka.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee arrimaha dibedda iyo amniga ee baarlamaanka Itoobiya, ayaa ku dheeraaday in heshiiskani yahay mid iskaashi muddo dheer ah oo kiro ah, ujeeddaduna aanay ahayn dhul ay yeeshaan.

Siday doontaba ha noqotee masuulkan ayaa ka digay isku-day kasta oo lagu mijaxaabinayo heshiiska ay la galeen Somaliland