Masuuliyiinta Wasaaradda Biyaha oo Kormeeray Mashaariic ay ka Wadaan Gobolka Awdal

0
96

Borama (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Nafisa Maxamuud Shirwac ayaa maalmimihii u danbeeyay safar shaqo iyo u kuur-galka xaalada biyood ee dalka ku maraysay guud ahaan gobolada somaliland ayaa Komeer shaqo ku tagtay shirkada biyaha siisa magaalada Borama ee SHABA iyo ceelbiyoodyo cusub oo ay wasaaradda Biyuhu ka wado deegaanka Afraaga oo ay ka Cabto Magaalada Borama.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda biyaha Marwo Nafisa Maxamuud Shirwac oo ay weheliyaan Agaasimaha Ceelasha dhaadheer ee wasaaradda, Isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Awdal ayaa waxa ay kormeer Shaqo ku tageen shirkada biyaha ee Shaba iyaga oo kulan la yeeshay masuuliyiinta shirkada Biyaha Boorama ee Shaba.

 

Kulankan ayaa Madaxda Shirkada SHABA uga warameen Agaasimaha wasaaradda horumarinta Kheyraadka Biyaha Somaliland guud ahaan Xaalada Biyaha ee Magaalada Borama iyo Sida aya u siiyaan Biyaha bulshada ku dhaqan Magaalada Borama.

 

Kulanka kadib Agaasimaha wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland ayaa kormeer Shaqo ku tagay saddex Ceel biyood oo cusub kuwaasi oo ay wasaaraddu ka wado Deegaanka Afraaga ee degmada Borama ee gobolka Awdal, Ceel-biyoodyadan ayaa la filayaa inay wax wayn ka tari doona baahiyaha dhanka biyaha ee guud ahaan ka jira degmada Borama.

 

Wasaaradda horumarinta Kheyraadka Biyaha Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay biyo ku filan u heli lahaayeen dhammaan bulshada ku nool deegaanada Somaliland, iyada oo awooda saaraysa deegaanada miyiga ah ee aan dadku helin biyo ku filan ama ay ku daboolaan baahidooda biyood ee ka jirta deegaankooda.