“Somaliland Waxa ay Caddaysay in ay Tahay Dawlad u Qalanta In la Aqoonsado” Modern-diplomacy

0
108

Diidmada Soomaaliya ee Qarannimada Somaliland dib uma qori doonto buugaagtu:

 

 

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Warbaahinta caalamiga ah ee Modern-diplomacy ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay dal madax bannaan oo xaqiijiyay in uu yahay waddan u qalma in beesha ceelamku ay aqoonsato, sidoo kalena sheegashada Soomaaliya aanay ahayn mid saamayn ku leh taariikhda qormaysa.

Mareegta Modern-diplomacy oo fadhigeedu yahay Yurub oo ah madal cilmi-baadhis iyo qiimayn ku samaysa xaaladaha siyaasadda iyo arimaha cakiran ee caalamiga ah, gaar ahaan Bariga Dhexe, Afrika, iyo Aasiya, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in kala soocnaanta Somaliland iyo Soomaaliya ay soo bilaabantay xilligii gumaystaha, xiligaas oo Somaliland ay maxmiyad u ahayd Ingiriiska, wakhtigaas oo Somaliland ay ka madax-bannaanayd dhulkii uu Talyaanigu ka talin jiray.

Warbixintan oo ku qornayd luuqada Ingiriisiga oo Wargeyska Dawan uu turjumay ayaa lagu bilaabay sidan “Somaliland waxay caddaysay in ay tahay dawlad u qalabta in la aqoonsado. Diidmada Soomaaliyana dib uma qori doonto buugaag cusub.”

“Soddon sano ka dib, is-xukun taabbo-galay iyo adkeynta qarannimada, Somaliland waxay illaa hadda si cad u taagan tahay mawqif u sahlaya in ay noqoto dal madax-bannaan oo la aqoonsan yahay, haddii muwaadiniinteedu ay si dimuquraadi ah u go’aansadaan waddadaas. Sheegashada midnimada Soomaaliya-na maaha qaab-dhismeed la ilaalin karo marka la eego taariikhda qallafsan ee midawgoodii khasabka ahaa iyo halka ay Somaliland ka marayso gooni-isu-taagga,” ayaa lagu yidhi warbixintan.

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay “Bilawgiiba midawgaas waxa ka dhashay xurguf u dhaxaysa shacbiga reer Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ka dhalatay Kali-talisnimadii iyo eexdii loo geystay ee uu hoggaaminayay taliyihii Siyaad Barre ee xukunka xoogga kula wareegay 1969kii, wakhtigaas oo uu sii xoogaystay nacaybku, gaar ahaan Somaliland. Jabhadihii hubaysnaa ayaa aakhirkii keenay in Siyaad Barre xukunka laga tuuro 1991-kii, Soomaaliyana waxay gashay xaalad fowdo ah, laakiin Somaliland waxay isla markiiba qaadatay fursad ay ku soo ceshato dawladnimadii aanay weligeed si buuxda uga tanaasulin.”

“Wada-shaqaynta Itoobiya iyo dawladda Somaliland waxay si wax ku ool ah u aqoonsanaysaa xaqiiqada jirta, waxayna u taagan tahay xoojinta iskaashiga amniga ee gobolka oo dhan. Balse dawladda Muqdisho iyo madaxweynahooda Xasan Sheekh intay dhaliili lahaayeen is fahanka Somaliland Itoobiya, waxay ku fiicnaan lahayd inay wada-xaajood ku raadiyaan dib-u-heshiisiin iyo is-faham, ixtiraamaana xaqa aayo ka tashiga Somaliland. Diblumaasiyad furan oo waaqici ah oo dhex marta daneeyayaasha loo siman yahay oo kaliya ayaa lagu heli karaa xal siyaasadeed oo waara oo Geeska Afrika u horseeda xasillooni waarta.

Itoobiya, maadaama ay tahay jileyaasha gobolka, waxay xaq u leedahay inay si istiraatijiyad ah ula falgasho xaqiiqada ka jirta Somaliland iyada oo aqoonsanaysa madaxbannaanida Somaliland. Bedelka isticmaalka tas-hiilaadka dekedaha ee xeebaha Somaliland, Abiy waxa uu sharciyad caalami ah ku soo kordhiyey dalka Somaliland ee talada wax ku oolka ah ku leh mandaqada. Marka la eego diiwaanka Somaliland ee ah bixinta xasiloonida, ayaa lagu yidhi Warbixintan ay qortay mareegta Modern-diplomacy.