Xukuumada Somaliland oo Guul ka Gaadhay Maamulka Hawadeeda

0
142

Hargeysa (Dawan) Xukuumada Somaliland ayaa bayaamisay in ay guul ka gaadhay maamulka hawada, isla markaana ay tiro badan oo diyaarado ah adeegyo siisay, iyada oo sheegay inay qaadday tallabooyin lagu xaqiijinayo bad-qabka iyo illaalinta hawda Somaliland maalmihii u danbeeyay.
Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedaysay in ay faafinayso warar been abuur ah oo sheegaya in Somaliland ay khalkhalisay hawada, lakiin taa badalkeeda ay Somaliland si hufan u maamulayso hawada.
Somaliland waxay hay’adda duulista Soomaaliya ku tilmaantay mid aan garanayn shuruucda iyo nidaamka hawada loo maamulo isla markaana waxay sheegtay in ay ka danbaysay dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable, oo dilkiisa ku wanjalayso saaxiibadii oo aan danbi lahayn.
Sidoo kale Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay in ay ka diyaar-garowday tallaabooyinka cadaawadda ku dhisan ee Soomaaliya qaadi karto.

 

Waxa sidan lagu sheegay,war-saxaafadeed kasoo Baxay hay’adda Duulista iyo madaaradda oo uu ku saxeexan yahay mareeyaha hay’adaasi Cumar Cabdillaahi Aadan.

Waxaanu war-saxaafadeedku u dhignaa sidan

 

 

“Hay’adda Duulista iyo Madaarada JSL, iyada oo gudanaysaa waajibka qaran ee ka saaran illaalinta iyo mushaaxidda hawada ee uu jideeyay Xeerka Duulista madaniga ah Xeer Lr.70 2017, 00 waafagsan xeerarka caalamiga ah sida Chicago Convantion. Laga soo bilaabo 12kii February 2024, Hay’adda Dulista lyo Madaarada JSL waxa ay qaadday tallaabooyin lagaga hortagayo xadgudubyada ay Dawlada Muqdisho ka waddo Hawada Somalland, taas oo ahayd siyaasadaynta duulimiyaadyada rayidka ah iyo ka bixintaanki iyo dafiraaddii heshisyadi iyo ls-fahamyadi ka dambeeyay ee labada dal ee istanbul 1, 2, Ankara, lyo Djibouti,
kuwaas oo dhammaantood shegayay qodobadi aan ku baahinnay war murtiyeedkayagii koowaad. lllaahay mahadi, Hay’adda Duulista lyo Madaarada JSL, mudadaas kooban waxa ay ku xaqijisay guulo la taaban karo, taas oo ah in ay adeegyo la siiyo tiradii ugu badnayd diyaarado abid ee Xafiiska Duulimaadada Sare (FiIC) ee Somaliland oo dhawaan la aasaasay uu bixiyo, kuwaas 00 dhammaantood lagu ilaalyay badqabka lyo habsami socodka Duulimaadyada Caalamiga ah.
Mudadaas aynu dawlad ahaan shaqadaas qabannay, Dawlada Muqdisho lyo Hay’adda Duulista ee dalkaasi waxa ay qabteen shaqooyin dhammaantood khilaafsan qawaaniinta caalamiga ah, kuwaas oo buishada aduunka iyo kuwa gobolkaba tusay sida ay uga arradan yihiin xirfada duulimaadyada, iyo sida oo kale qiyamka wanaagsan ee maamulka hawada sare, oo ay ka mid yihi:
1. NOTAM ay soo saareen oo ay ku sheegayaan in Hawadii Soomaallya waxba iska bedelin.
2. NOTAM 2aad oo ah in Madaarka Cigaal ayna ka jirin adeegyada ATS, MET lyo AIS
3. NOTAM 3aad oo ay diyaaradaha ugu sheegayaan in ay hawada Hargeysa ka weecdaan.
4. Abuurista warar been abuur ah kuwaas oo ahaa in ay Somaliland Hawadi khalkhalisay.
5. Cago juglayn, hadidaad iyo aflagado joogto ah oo loo geysanayo shaqaalaha ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Mugdisho.
6. Maleegista dilki AHN Cabdi Naasir Muse Dahable, iyo wanjalaada saaxibadisii la deganaa.
7. Xidhiidh ay la sameeyeen dawlado oo ay ku codsanayaan in la soo dhex galo lyaga iyo JSL.
8. War saxaafeedyo kala duwan oo xambaarsan hanjabaad iyo talaabooyin.
Waxa aanu bulshada Somaliland, caalamka iyo Hay’addaha Duulista qaabilsan sida 1CAO iyo IATA dhammaantood ogaysiinaynaa ín Dawlada Soomaliya ee Muqdisho fadhida, ka dib markii ay ku fashilantay sheagashadi beenta ahayd ee ahayd in ay Hawada kalidood mamulaan, lyo in ay u gudbeen CLASS A, ay doonayso in ay qaaddo tallaabadii ugu dambaysay oo naf ia caari ah, taas oo ah middii ay caanka ku ahaayeen ee ahayd dhibaataynta iyo cadaawada ay u qabaan Shacabka Somaliland, waxay na qorshaynayaan in ay soo saaraan NOTAM ama qoraal kooban oo ay ku leeyihiin Garoomada Somaliland way xidhan yihin, oo aan ahayn markii koowaad ee ay falkaa ku kacaan laakiin ay caado u ahayd.
Hay’adda Duulista lyo Madaarada JSL, inti aanay hawgalka adeegga duulimaadka sare bilaabin, waa ay ku talo-gashay waxyaabaha kaga iman doona Mugdisho
Marka hawlgalka Qaran bilaabmo waxa ay noqonaysaa dhufayskil ugu dambeeyay ee laoa saaro cadawna. JSL ee soo jireenka ah.
Hay’adda Duulista iyo Madaarada JSL, waxa ay hore u soo saartay NOTAM ku saabsan shaqada garoomada JSL, waxaana loo kala diray dhammaan daneeyayaasha duulimaadyada rayidka ah lyo cid walba oo danaynaysa in ay Somaliland timaado.”